“Hanti-dhawraha Guud Wuxuu Qabtay Hawl Fiican oo Meel-marin Karta Go’aankii Madaxweynaha”

0
278

Hargaysa (Dawan)- La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha dhalinyaradda Somaliland Cabdinajax Siyaad Aw Cabdi, ayaa Hanti-dhawraha guud ee qaranka ku boggaadiyay hawsha qaran ee uu hayo, waxaanu tilmaamay in uu dagaal adag kula jiro musuq-maausqa iyo wax is-daba-marinta, isla markaana uu si madax-bannaan u gudanayo waajibaadka qaran ee Madaxweynuhu u igmadday.

Cabdinajax Siyaad Aw Cabdi waxa uu sheegay in Hanti-dhawraha guud ee qaranka Axmed Yuusuf Dirir uu qabtay shaqo muda in lagu bogaadiyo, hawshaas oo ka qabtay Kaydka haamaha shiddaalka ee  Berbera iyo qaybta bixinta Liisamadda gaaddiidka oo uu ka waddo baadhis, taas oo uu sheegay in haddii ay Hay’adda hanta-dhawrku sidaa ku waddo shaqada ay hayso ay wax weyn ka tari karayso Musuq-maasuqa, taas oo meel mar ka dhigaysa ballanqaadii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ee ahaa inuu dabar-jarri doono Musuq-maasuqa iyo wax isdaba-marinta Hay’addaha dawladda dhexdeedda.

“Waan Boggaadinnayaa Hanti-dhawraha guud ee qaranka Axmed Yuusuf Dirir oo hawlo fiican ka wada Kaydka haamaha shiddaalka iyo Xafiiska Liisamadda gaaddiidka. Waxaan qabaa haddii Xafiiska Hanti-dhawraha guud uu sidaa wacan shaqadiisa u wato innuu wax badan ka qaban karro Musuq-maasuqa, taasoo ay ka dhalan karto maamul wanaag iyo innuu meel marro go’aankii Madaxweynaha Somaliland uu balanqaadday xilligii Olalaha doorashadda lagu jirey ee ahaa innuu tirtirraayo Musuq-maasuqa Hay’addaha dawladda, markaa waxaan leeyahay Hanti-dhawraha guud ee qaran Axmed Yuusuf Dirir waxaad waddaa hawl waxtar u leh qaranka, waanan idinku boggaadinnaynaa ee halkaas ka wadda.” ayuu yidhi La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha dhalinyaradda Somaliland Cabdinajax Siyaad Aw Cabdi.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply