Golaha Wakiiladda oo la horkeenay Mooshin Wax-lagaga Badelayo Xeerka Kalluumeysiga

0
287

Hargeysa (Dawan) – Gudida Ilaalinta deegaanka iyo Khayraadka golaha wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shalay  hor Keenay fadhigii golaha wakiiladda mooshin wax lagaga bedelayo xeerka Kalluumaysiga Somaliland oo ah xeer la curiyay dastuurka Somaliand ka hor isla markaana ku salaysnaa axdiqarameedkii Boorama xeerka mudaneyaashu mooshinka ka keeneen oo ah xeerka L/24  ee 1995 kuna salaysnaa axdi qarameedkii Boorama ayay sheegeen in  loo baahan yahay in wax ka bedel iyo kaabis lagu sameeyo isla markaana lagu saleeyo dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo aanu imika la jaan qaadi karayn.

Mooshinkan oo ay soo gudbiyeen kuna saxeexnaayeen  24 xildhibaan ayaa ah mid wax ka badel iyo kaabis lagu sameynaya  xeerka L/24  ee 1995 oo ah kii axdi qarameedkii islamarkaana aan la jaanqaadi karin kan distoorka Jamhuuriyadda Somalilan.

Mooshinkan oo ay soo gudbiyeen  kuna saxeexnaayeen 20 mudane oo golaha wakiiladda ka tirsan o kala ahXildhibaan Siciid Maxamed Ismaaciil, xildhibaan Maxamed Baaruud Shide, xildhibaan Cabdillaahi Ismaaciil Faarax, xildhibaan Maxamed Yuusuf Waabeeye, xildhibaan Axmed Weysa-cade, xildhibaan Faarax Maxamed Cabdulle, xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shire, xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, xildhibaan Axmed Maxamed Nuur, xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) xildhibaan Wali Axmed Xaawo, xildhibaan Axmed Xaaji Dirir, xildhibaan Jaamac Xasan Aadan, xildhibaan Cabdilqaadir Jibriil Tukaale, xildhibaan Maxamed Xaaji Xuseen Ciise, xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin, xildhibaan Cabdilqaadir Jaamac Xaamud, xildhibaan Yuusuf Liibaan Cumar, xildhibaan Axmed Faarax, xildhibaan Cabdilqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, xildhibaan Abibarkar Good, xildhibaan Xasan Xuseen Shide, xildhibaan Axmed Ducaale Bulaale.

Xildhibaan Cabdilaahi Ismaaciil Faarax ayaa fadhigaasi ka akhriyay xeerkan  waxaanu yidhi “Xeerkan kaabista iyo wax-ka-badelka kalluumeysiga markaanu aragnay qodobka 2aad, ka 11aad, ka 12aad, ka 18aad, ka 38aad, ee dastuurka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo xeer hoosaadka golaha wakiiladda, qodobkiisa 49-naad,markaanu  aragnay muhiimadda xeerkani u leeyahay qaranka ee aanu darisnay, xaaladda dhaqaale ee waddanku ku sugan yahay iyo baahida loo qabo, ee ah in laga faa’iideysto khayraadka badda, markaanu aragnay dhibaatooyinka ay geysteen abaarihii soo noq-noqonayay oo ay meesha ka baxeen xoolaheenii boqolkiiba afartan   ku tiirsanaanta dadkii ku tiirsanaa xoolaha, markaanu ku qanacnay baahida loo qabo, cunto iyo shaqo abuurid iyo ka hortagga tahriibta markaanu aragnay sharcigii hore ee kalluunka ee L/24 oo ah 1195-kii ahna xeer ku saleysan axdi qarameedkii isla markana aan la jaanqaadi karin xeerka distoorka Jamhuuriyadda Somaliland waxay mudanayaasha halkan ku saxeexani ay soo gudbiyeen in lagu sameeyo xeerkan kaabis iyo wax ka badel, sidaasi darteed maanta oo taariikhdu tahay 6/5/2018 waxaanu halkan ku soo gudbinaynaa wax-ka-bedelka xeerka L/24 ee 1995-kii oo aanu u aragno inuu muhiimad u leeyahay ka faa’ideysiga kheyraadka badda wakhti xaadirkan  waxaanu codsaneynaa gudoomiye in xeerkan si xushmad leh loo ansixiyo”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply