Hargeysa (Dawan)- Wefti ka socda xukuumadda Somaliland oo uu hogaaminayo wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibada mudane Liibaan Yuusuf Gaaxnuug oo socdaal shaqo ku jooga dalka Sweden, ayaa la kulmay xildhibaanada Baarlamaanka dalkaasi, waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay danaha iyo xidhiidhka u dhexeeya labada dal.
Weftigan oo ay xubno ka yihiin maayarka magaalada Gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi iyo safiirka Somaliland u qaabilsan dalka Sweden Sakariye Xasan Wacays, waxaana ugu horrayn kulankaasi ka hadlay Xildhibaan Mangus Oscarsson oo ka tirsan baarlamaanka Dalkaasi, waxaanu sheegay in isaga iyo xisbigiisuba ay ku hawlan yihiin sidii loo aqoonsan lahaa Somaliland.
Xildhibaan Magnus Oscarsson oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu “Waxaan halkan idiinka caddaynayaa in shakhsi ahaantayda, xisbigayga iyo xubnaha baarlamaankuba aanu ka hawl galno sidii loo aqoonsan lahaa Jamhuuriyadda Somaliland.”
Wasiir ku xigeenka arimaha dibada Somaliland Liibaan Yuusuf Gaaxnuug ayaa isaguna halkaasi hadal ka jeediyay waxaanu faahfaahin ka bixiyay kulanka ay la qaateen xildhibaanada baarlamaanka dalka Sweden waxaanu yidhi “Waxaanu ku sugannahay xarunta baarlamaanka dalka Sweden, waxaanan kulan la qaadanay xubno ka mid ah baarlamaanka oo uu hogaaminayo Magnus oo ah gudoomiyaha xubnaha saaxiibka la ah Somaliland ee qadiyadeeda uga ololeeya baarlamaanka Sweden.”
Wasiir Liibaan oo hadalkiisa sii wata ayaa soo bandhigay waxyaabaha ay ka wada hadleen xildhibaanada baarlamaanka dalka Sweden, waxaanu yidhi “Runtii kulan muhiim ah ayuu ahaa waxaanan ka wada hadalnay sidii ay u sii wadi lahaayeen taageerada, u dedaalka iyo u dagaalanka qadiyada Somaliland, taas oo markii uu nooga waramay xildhibaan Magnus meel fiican maraysa, baarlamaanka Sweden-na ay aad uga dharagsan yihiin, waxaanan isla garanay sidii ay qadiyada Somaliland halka ay taagan tahay uga sii wadi lahaayeen.”
Wakiil sharafeedka midawga Yurub u qaabilsan Somaliland Mikel Torstensson ayaa dhinaciisa ka hadlay waxyaabaha ay Somaliland aqoonsi ku heli karto waxaanu yidhi “Waxaanu sii wadi doonaa shaqada adag ee aanu ugu jirno sidii Somaliland loo aqoonsan lahaa, waxaanan aaminsanahay in aynu gaadhi doono hadafkeena aqoonsiga haddii ay Somaliland ku dedaasho dimuqraadiyada iyo ilaalinta xuquuqal insaanka.”
Maayarka magaalada Gabiley Maxamed Aamiin Cumar Cabdi ayaa isaguna ka waramay kulanka ay la qaateen xildhibaanada ka tirsan baarlamaanka dalka Sweden, waxaanu yidhi “Runtii farxad gaar ah ayey noo tahay in aanu la kulano asxaabta ay Somaliland ku leedahay dalka Sweden, kuwaas oo u doodaya sidii qaranka Somaliland iyo dadkiisuba ay beesha caalamka uga heli lahaayeen ictiraaf.”
Ugu dambayn safiirka Somaliland ee dalka Sweden Sakariye Xasan Wacays ayaa ka waramay kulanka dhex maray weftiga iyo xildhibaanada Sweden, isaga oo ka hadlay shaqada ay qaranka u hayaan waxaanu yidhi “ Weftiga dalkii nooga yimid ee wasiir ku xigeenka arimaha dibadu hogaaminayo waxaan filayaa inay nooga markhaati kacaan shaqada adag ee aanu qaranka u hayno, taas oo ah mid qof kasta ku waajiba, anagana waxa naga go’an inaanu ka midha dhalino hiigsiga iyo qorshaha iyo hamiga Somaliland ee ah inay noqoto dal madax banaan oo aqoonsi ka haysta aduunyada.”
Dawannews Hargeysa office