Hargeysa (Dawan):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi’ayaa si adag uga hadlay dagaal beeleed mar kale ka soo cusboonaaday deegaanka Ceel af-weyn ee gobolka Sanaag.
Madaxweyne Muuse waxaa uu baaq nabadeed u diray labada beelood ee dirirtu dhex martay waxaanu u soo jeediyay in caqlig shaqeeyo oo aanu qrigu talin,waxaa kale oo uu ugu baaqay dhammaan waxgaradka reer Somaliland culimo,aqoonyahan,madaxdhaqameed iyo haldoorka bulshada in dhammaan loo koco sidii nabad waarta loogu soo dhammayn lahaa colaadda labada beelood.
Waxaanu nasiib darro iyo wax laga xumaado ku tilmaamay in dad walaalo ah oo isku dhaqan iyo iyo dadba ah oo aan meel kala tegayn n maalin walba dhiig ku daato oo ay dhexdooda iska dilaan kuwii isku baxsan lahaa.
“waxaan halkan baaq dheer oo nabadeed aan halkan u dirayaa labada beelood ee walaalaha ah ee dagaalku dhex maray,waxaanan ugu baaqayaa in ay dagaalka si deg deg ah u joojiyaan oo ay nabadda soo celiyaan,dagaalkan oo ah mid riiq dheeraaday oo soo noq noqday oo saakana (shalay) dhawr meelood ka bilaabmay waa dadkeenii waa walaaleheen oo waan ka daqanaynaa dhiigga maalin walba daadanaya iyo naxdinta uu nagu hayo waxaan ugu baaqayaa in ay colaadda joojiyaan oo ay nabadda qaataan.”
Dhinaca kale Madaxweynaha Somaliland waxaa uu farriin gurmad u diray dhammaan waxgaradka Somaliland oo uu ugu baaqay in loo wada koco oo si daacad ah looga wada hawl galo sidii arrinta dirirta labada beelood ee walaalaha ah ee shaydaanku ka dhex adeegtay in nabad waarta arrintooda lagu soo celiyo oo dhex dhexaadin kama dambays ah lagu galo arrintooda. “waxaan u soo jeedinayaa dhammaan waxgaradka reer Somaliland in aynu meel uga soo wada jeesano oo aynu u kacno sidii aynu labada beelood ee walaaleheen ah nabad waarta aynu uga dhex dhalin lahayn innagoo wa jirnana uga hawl geli lahayn,maanta Somaliland waxay u baahan tahay caql shaqeeyo ee uma baahnin walaalayaal in qori iyo xabadi ay shaqayso.”ayuu si dareen qiiro leh u yidhi Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Dawannews Hargeysa office