Paris (Dawan):- Safiirka Somaliland ee dalka Faransiiska Ambassador Cali Ismaaciil Xasan ayaa ugu baaqay Garyaqaanada Qaarada Afrika inay Jamhuuriyadda Somaliland ka taageeraan qadiyadda madax-bannaanideeda iyo sidii ay u kala madaxbanaanaan lahaayeen dalka Soomaaliya, iyada oo la raacayo qaabkii ay u kala baxeen dalalka Sudan iyo Koonfurta Sudan.
Safiir Cali oo todobaadkii hore agu martiqaaday shir hay’ada caalamiga ah ee (OHADA), oo ay ku bahoobeen Garyaqaanada wadamada Qaarada Afrika ku qabteen magaalada Paris ee Faransiiska ayuu kaga hadlay muhiimada heshiisyada maalgashi ee sannadahii u dambeeyey dalkiisu la yeeshay caalamka, sida lagu baahiyey qoraal ka soo baxay xafiiska Safaarada Somaliland ee Faransiiska oo Wargeyska Dawan soo gaadhay.
Shirkan oo sannad walba la qabto, kana soo qeybgaleen wufuud ka socotay 17 dal oo caalamka ah ayaa lagaga hadlayey shuruucda leh nabadgelyo iyo cadaalad oo saldhig u noqon kara maalgashiga qaarada Afrika u baahan tahay.
Khudbad Safiirka Somaliland ee dalka Faransiiska, Md. Cali kulanka ka jeediyey ayuu si mugleh uga waramey fursadaha maalgashi ee Somaliland yaala iyo nidaamka shuruucda maalgashiga ee xukuumada Somaliland diyaarisay, kuwaasi oo sahli kara in la maal gashado dalka.
Waxaa kale oo safiir Cali Ismaciil uu si guud shirkaasi uga xog waramey marxaladihii ay soo martey Somaliland iyo halka ay maanta taagantahey taasi oo ah tan maanta suuragalisey in shirkado waaweyni ay maalgashadaan somaliland sida DPWorld.
Kulanka ayuu sidoo kale Md. Cali Ismaaciil ugu soo jeediyey ururka Garyaqaanada Afrika ee shirka soo qabanqaabiyey inay ka taageeraan Somaliland sidii ay u kala madaxbanaanaan lahaayeen dalkii laysku odhan jiray Soomaaliya, sida Sudan iyo Koonfurta Sudan u kala gurteen.
Shirka oo lagaga hadlay Qawaaniinta iyo Nidaamyada loo wada galo heshiisyada maalgashiga ee dunidu is dhaafsato, ayaa ka qeybgalka shirkaasi ayaa muhiim u ahaa Jamuuriyada Somaliland, ayaa la sheegay in Safiirka Somaliland xog buuxda u siiyey gaar gaar ergadii shirkaa ka soo qeybgashay, oo baddi danaynayey macluumaadka maalgashi ee Somaliland.
Dawannews Hargeysa office