Hargeysa (Dawan)- Wasaaradda horumarinta maal-gashiga Somaliland ayaa shalay shir u furtay shirkadaha maal-gashi ee ka shaqeeya Somaliland, kuwaasi oo isugu jira shirkadaha maxaliga ah iyo kuwo caalami ah ba, waxaana shirkaasi oo qabsoomay xarunta wasaaradda lagaga wada hadlay sidii loo dardar gelin lahaa hawlaha maal-gashi ee ay gacanta ku hayaan.
Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta maalgashiga Jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Abokor Maxamed ayaa faahfaahin ka bixiyay ujeedada shirkan maalgashi ee ay fureen, waxaanu sheegay in kulankani la xidhiidho xogwaraysi iyo sidii ay macluumaad isu dhaafsan lahaayeen shirkadaha dalka maal-gashiga ku sameeyay.
Agaasimaha guud isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Shirkan ujeedadiisu waxay ahayd is xogwaraysi, kaas oo ay isku xogwaraysanayaan wasaaradda horumarinta maal-gashiga iyo shirkadaha ganacsi iyo hay’addaha kale ee dalka ku sameeyay maalgashiga, kuwaasi oo isugu jira kuwo maxali ah oo waddani ah iyo kuwo caalami ah ba, iyada oo la iska waraysanayo, shirkadaha maalgashigu maxay qabtaan, maxay wasaaraddu haysaa, sidee la isu kaashanayaa iyo halkee laga wada duulayaa.”
Agaasime Axmed Abokor waxa kale oo uu shirkadaha ay la kulmeen sharraxaad ka siiyay waajibaadka ay wasaaradda horumarinta maalgashigu qaranka u hayso, waxaanu yidhi “Qodobka labaad waxa weeye haddaad tihiin shirkadihii maalgashiga in aad fahantaan, maxaa looga soo saaray wasaaradda ganacsiga iyo maalgashiga oo ay isku jireen, maxaase madaxweynaha Somaliland u xilsaaray oo ay qaranka u haysaa, in aad arrintaasna aad u fahantaan.”
Mudane Axmed Abkor waxa uu shirkadahan sharraxaad iyo faahfaahin dheeraad ah ka siiyay xeerka maalgashiga ee dalku leeyahay waxaanu yidhi “Qodobka kale waxa weeye in aynu wadaagno oo aad noo sheegtaan caqabadaha idinka horyimi, si aanu qaran ahaan iyo wasaarad ahaan ba idiinla xalino. Sidoo kale in xeerarka maalgashi ee dalku leeyahay iyo xeerarka kale ee nagala dhexeeya shirkadaha maalgashiga la idinka siiyo faahfaahin kooban.”
Kulankan intii uu socday ayaa masuuliyiinta wasaaradda maalgashiga iyo shirkadihii ka soo qaby galay kulanka dhex maray dood la xidhiidha qaabkii loo heli lahaa maalgashi ay ka wada shaqeeyaan xukuumadda iyo shirkadaha arrimahaasi ku hawlan iyo ku dhaqanka shuruucda dalka.
Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta maalgashiga Jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Abokor Maxamed, sidoo kale waxa uu faahfaahin ka bixiyay qodobadii kulankaasi la iskula qaatay waxaanu yidhi “Wixii annaga masuuliyadayada ah ka wasaarad ahaan waanu xalinaynaa, wixii ku xidhan wasaaradaha kale ee dawladda anaga ayaa masuuliyada qaadayna in aanu la kulanno oo la xaajoono, ujeedaduna waxay tahay in la fududeeyo maalgashiga oo aanay caqabad la kulmin dadka maalgashatada ah, in ay sharciga ku dhaqmaan loona fududeeyo hawlahooda, dhamaan wasaaradaha ay khusayso oo dhanna waanu la kulmaynaa, kadibna shir weyn ayaanu isugu iman doonaa maalgashadayaasha, kaas oo aynu isugu sharxi doono qaabka aad xukuumadda ula shaqaynaysaan iyo waxa laga qabtay caqabadihiina. Muhiimaduna waxay tahay in maalgashigu dhaqaalaha dalka kor u qaado oo qof kasta oo reer Somaliland ahi uu ugu noolaado nolol wanaagsan.”
Dawannews Hargeysa office