Dawladda oo la Wareegtay Maamulka Shaybaadhka Shidaalka Berbera

0
701

Hargaysa (Dawan) :- Xukuumadda Somaliland,ayaa la wareegtay maamulka shaybaadhka shidaalka ee Berbera kadib markii dhawaan shidaal aan hagaagsanayn oo lasoo mariyay shaybaadhka dhidaalka ee Berbera uu sababay in shidaal wasakhaysan lagu shubo Haamaha Kaydka Shidaalka taasoo keentay in cillad uu galiyay shidaalkaa wasakhaysnaa gaadiidkii lagu istcimaalay isla markaana sababtay in dalka Baatrool laga waayo nadiif ah.

Guddoomiyaha hay’adda dhawrista tayada Somaliland Muuse Xasan Xaaji oo kormeer ku tegay laabka baadhista tayada shidaalka ee Berbera ayaa sheegay in ay la wareegeen maamulka shaybaadhka Shidaalka isla markaana imika wixii ka dambeeya ay gacanta ku haysnayso Xukuumadda Somaliland.

yidhi“Maamulkii iyo shaqadii laabka shaybaadhka shidaalka waanu la wareegnay waxaana gacanta ku haynaya Hay’adda dhawrista Tayada iyo maamulka haamaha kaydka shiidaalka shaqaalaha,waxa kale oo aanu soo aragnay shidaalkii dhibaatada keenay ee wax yeeleeyay baabuu rta oo xayiran oo ganacsatadu ka shaqaynayaan sidii shidaalkaa loo sifayn lahaa, waxa kale oo farxad wayn ah inuu soo degay shidaal wanaagsan oo aanu tayadiisa baadhnay,waanan sii daynay oo dalka ayuu soo galay.”

Waxaa kale oo uu guddoomiyuhu ka war bixiyay booqasho uu ku tegay Dekeda Berbera iyo kulan uu la qaatay Maareeyaha dekeda Somaliland.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply