Hargeysa (Dawan):- Wasiirka Shaqo Gelinta iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Marwo Hinda Jaamac Xirsi, ayaa sheegtay in ay xil iska saareen bisha barakaysan ee Ramadaan in ay quudiyaan dadka maskaxda ka xannuunsanaya iyo carruurta derbi jiifka ah oo xilliga Ramdaanka aan helin meel ay wax ka cunaan.
Waxa kale oo ay ka hadashay gurmad loo sameeyay dadkii roobabka dabaylaha watay saameeyeen oo ay wasaaradda shaqo gelintu ka qayb qaadatay. Sidoo kale Wasiir Hinda waxay ka hadashay tirakoob guud oo ay ku sameeyeen shaqaalaha ajaanibka ah ee dalka ka shaqeeya iyo dhaqaale kaalmo ah oo ay ku taakuleeyaan qoysas reer Somaliland ah oo bulshada ku dhex nool oo aan haysan wax ay ku noolaadaan oo ay kaalmo bille ah gaadhsiiyaan.
Wasiir Hinda oo waraysi gaar ah xafiiskeeda ku siisay wargayska Dawan oo ka jawaabaysay su’aal laga waydiiyay waxyaabihii ugu waynaa ee u qabsoomay mudadii ay xilka wasiirka wasaaradda haysay,ayaa tidhi. Waxyaabo badan ayaa noo qabsoomay,waxyaabaha noo qabsoomay waxaa ka mid ah waxaanu diiwaan gelinay dhammaan shaqaalaha ajaanibka ah ee dalka jooga iyo noocyada shaqo ee ay hayaan waxaa kale oo aanu soo saarnay in aan shirkadaha iyo hay’ahada dalka ku sugani in aanay dalka dibeddiisa ka keeni karin shaqaale ajaanib ah oo qabta shaqo qof muwaadin ah oo Somaliland u dhashay uu qaban karo waanan kula xisaabtamaynaa oo waanu ku dabo gelaynaa. Waxaa kale oo noo qabsoomay waxaanu samaynay oo aan hore dalka uga jirin wasaaradduna aanay lahayn waaxda Naafada oo ah wax muhiim ah oo agaasime waaxeedkeedii leh oo u adeegaysa dadka naafada ah iyo baahiyadooda,waxaa kale oo aanu samaynay in aanu carruur badan oo derbi jiif ahayd in aanu suuqyada ka uruurinay oo aanu geynay xarunta daryeelka Carruunta ee Maxamed Mooge oo aanu daryeel wanaagsan u samaynay intoodii ugu badnayd,waxaa kale oo aanu tirakoob guud ku samaynay dhammaan carruurta derbi jiifka ah dalka oo dhan waxaanan ku samaynaa baadhitaan caafimaad oo aanu ugu geyno derbi jiifku halka ay ku nool yihiin waa inta aanu awood u waynay in aanu meel ku geyno e waxaa kale oo aanu ka qayb qaadanaa xilliyada masiibooyinku ay dhacaan sida ta imika ka taagan gobolada galbeed ee roobabka duunaafka watay uu ku dhuftay oo aanu dhar iyo busteyaal ugu talo galnay,waxaa kale oo aanu tirakoob ku soo samaynay dad badan oo qoysas meelo kala duwan oo dalka ah ku nool oo duruufo kala duwani ay ku gedaaman yihiin oo aan awoodin in ay shaqystaan ama ay helaan nolol maalmeed markaa qoysaskaasna waxaanu si joogto ah u siinnaa biil khayri ah mudadii aanu joognay.”
Wasiirka oo ka jawaabaysay su’aal laga waydiiyay in ay ogyihiin nooca aqooneed ee ajaanibka dibedda lagaga keenayo ee dalku u baahan yahay,ayaa tidhi. “haa waanu ognahay oo waxaynu u baahannahay waa xirfadleyaal laakiin qoraal iyo luuqado uma baahnin markaa xirfadleyaasha aynu u baahannahayna waa kuwo aanu diiwaan gelinay oo aanu ku daba gelayno cidda keenaysa waxaa kale oo aanu doonaynaa in Somaliland xirfadleyaal aqooneed ay usoo baxaan oo laga wada shaqeeyo sidii aynu xirfadleyaal kala duwan aynu u soo saari lahayn.”
Wasiirka oo ka jawaabaysay siday ula socdaan xaaladda dadka maskaxda ka xannuunsanaya iyo carruurta derbi jiifka ah bisha Ramadaan,ayaa tidhi. “waxaa jirta dadkeena waalan(maskaxad ka xannuunsanaya) iyo carruurta derbi jiifka ahiba aad ayay innoogu dhex dayacan yihiin gaar ahaan bisha Ramadaan waxaanay dadkaasi ay wax ka cuni jireen oo wax siin jirya hudheelada Ramadaantana hudheeladu way xidhan yihiin mana aha dad sugaya afurka ama xamilli kara gaajada intaa leeg, markaa waxaany samaynay bisha Ramadaan oo aanu bilawnay in aanu gaadiid ku qaadni Roodhi iyo kalluun la isku daray iyo biyo si aanu u quudino dadka waalan iyo carruurta derbi jiifka ah oo aan lahayd cid daryeesha oo qaranka uga sokaysa waanan sii wadaynaa bisha Ramadaan oo dhan,tallaabadan iyo kuwo kale oo badan oo aanu qaadnayba waxay ka mid yihiin waxqabadka Xukuumadda iyo hayal samida ay dadkeeda u hayso ee uu nagu hoggaaminayo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.”
Wasiirka oo la waydiiyay waxay ka ogyihiin wasaarad ahaan tirade qoysaska Somaliland sanadkii u soo kordha iyo kuwa ka burbura,ayaa ku jawaabtay. “inbadan ayay Somaliland jirtya intaa ay jirtayna qoysasna way inoo dhismayeen waana innaga dumayeen waxaana xusid mudan carruurta innagu dhex dayacan ee derbi jiifka ah badankoodu waxay ka yimaadeen oo derbi jiifka ka dhigay waxaa qoys burburka waxaanan leeyahay wiilasha iyo hablahaba qoys sida loo dhisaa way fududahay laakiin waxaa culus sida uu u sii jiri karo markaa sal fudayd qoys lagu dhiso laguna dumiyaa waa waxa sababay in aynu yeelano carruur badan oo derbi jiif ah markaa waxaan gaar ahaan wiilasha odhan lahaa ku faro adayga qoyska ugu horreeya ee aad dhistaan inta aad mid labaad u hanqal taagaysaankii horena duminaysaan.”
Ugu dambayn wasiir Hinda oo farriin u dirtay bulshada reer Somaliland gaar ahaan inta wax haysa ee gacantooda maal ku jiro,ayaa tidhi. “waxaynu ku gudo jirnaa bishii barakaysnayd ee Ramadaan waana maalmo tirsan o kooban markaa waxaa jira carruur badan oo derbi jiif ah oo u baahan in aynu uga farxino sida ubadka aynu guryaha inoo jooga ee aynu waalidka u nahay markaa carruurtaas oo aan lahayn cid daryeesha oo qaranka uga sokaysa waxaan leeyahay dadka ALLE wax siiyay walaalayaal carruurtaana aynu ciid siino oo aynu ka farxinno sako iyo sadaqad labaduba way ku baxayaan ee yaynaan illaawin in ubad derbi jiif ah oo ubadkeena la mid ah oo ALLE innagu eegayaa uu jiro oo u baahan in aynu u buuxino kaalintii waalidnimo.”
Dawannews Hargeysa office