Xukuumadda oo Gargaarkii ugu Horreeyey Gaadhsiisey Dadkii Ku Tabaaloobay Roobabkii Duufaannada Watay

0
331

Lughaya (Dawan):-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa deeqdii ugu horraysay ee gargaar ah oo xukuumaddu bixisay gaadhsiiyey degmada Lughaya oo ka mid ah goobaha ay sida weyn u wax yeelleeyeen roobabkii duufaannada watay ee dhawaan ku dhuftay gobollada Awdal, Selal iyo Saaxil.

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo uu wehelinayo guddoomiyaha hay’adda qaxootiga iyo Barakayaasha, Mudane Cabdikariin Axmed Maxamed(Xinif), ayaa diyaarad nooca qummaatiga u kaca ah oo ay innagu caawisay dawladda Imaaraadka Carabta, deeq gargaar ah ugu geeyey shacabka ku dhaqan deegaanka Lughaya ee ay roobabku waxyeellada gaadhsiiyeen.

Gargaarkan oo isugu jira daawooyin, Raashin, Dhar, Timir, Biyo iyo waxyaabo kale oo nolosha muhiim u ah, ayey madaxweyne ku xigeenka iyo weftiga uu hoggaaminayaa gaadhsiiyeen shacabka degmada Lughaya, kuwaas oo si weyn ugu farxay deeqda gargaarka ah ee ay xukuumaddoodu soo gaadhsiisay.

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland oo hadal kooban ka jeediyey goobta lagu wareejinayey gargaarkan, ayaa sheegay inuu gargaarkani hordhac u yahay deeq laxaad leh oo ay xukuumaddu u qorshaysay dadweynaha duufaannadu tabaaleeyeen, isla markaana maalmaha soo socda oo dhan aanay xukuumad ahaan ka nasan doonin sidii dadka dhibaatadu taabatay kaalmo loo gaadhsiin lahaa.

Mudane Cabdiramaan Saylici, ayaa shacabka u sheegay in aanay xukuumad ahaan waxba iska hagranaynin, isla markaana intii awooddooda ah gargaar gaadhsiin doonaan dadka dhibaatadu taabatay,waxaanu yidhi “Gurmadkii ugu horreeyey waa kan, haddii uu roobku innaga yara maqnaadana gaadiidkii baa iman doona, caafimaadkiina wuu inna soo gaadhay, intanina waxa ay noqon doontaa dhiig joojin uun, waxaanan idinku boorrinaynaa inaad ka fikirtaan sidii aad gargaarkaas si wanaagsan isugu gaadhsiin lahaydeen,” ayuu yidhi madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriaydda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici.

Shacabka ku dhaqan deegaanka Lughaya ee gargaarka hordhaca ahi gaadhay, ayaa muujiyey sida ay ugu faraxsan yihiin inay nasiib u heleen gargaarkii ugu horreeyey ee xukuumadda Somaliland bixiso, waxanay ka warrameen heerka ay gaadhsiisan tahay dhibaatada ka dhalatay roobabkii dabaylaha watay ee Jiiddaas ku dhuftay.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa subaxnimadii hore ee shalay garoonka diyaaradaha ee Cigaal International Airport, warbixin kaga dhegeystay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo kasoo laabtay kormeer dhinaca hawada ah oo uu ku tegay deegaannada xeebaha gobollada Awdal, Selal iyo Saaxil oo ay ku dhufteen roobab dabaylo wataa.

Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa kaddib markii uu dhegaystay warbixinta, waxa uu madaweyne-ku-xigeenka ku wareejiyey deeqo kala duwan oo loogu talo galay dadka masiibadaas ku waxyeelloobay, taas oo la saaray diyaarado kuwa qumaatiga u kaca ah (Helicopter) oo ah oo ay ku deeqeen dalka Imaaraadka Carabtu, looguna talo galay dadka waxyeelladu gaadhay, kadib xidhiidh uu madaxweynuhu la sameeyey, iyada oo markab iyo diyaarad sida mucaawimooyin ay dalka kusoo fool leeyihiin .

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ka hor intii aanu qaadin mucaawimooyinka loogu talo galay dadka ku waxyeelloobay roobabkii duufaannada watay, waxa uu ka warbixiyey masiibada naf iyo maalba leh ee ka dhalatay roobabkaas.

Madaxweyne ku-xigeenka oo kasoo laabtay safar dhinaca hawada ah oo uu kusoo indho indhaynayey baaxadda masiibada ka dhalatay roobabkii duufaannada watay ee ka da’ay xeebaha Somaliland gaar ahaan meelo badan oo katirsan gobollada Awdal iyo Selal, ayaa waxa uu bulshada la wadaagay dhibaato naf iyo maalba leh oo ay roobabkaasi sababeen, ka hor intii aanu shalay gargaar xukuumaddu bixisay u qaadin deegaannada dhibaatadu ku habsatay.

Mudane Saylici oo shalay madaarka Cigaal International Airport ugu warramay warbaahinta ayaa shaaciyey inay dhibaato argagax leh kusoo arkeen degmada Lughaya iyo deegaanno ku hareeraysan oo ay masiibadani taabatay, isla markaana dad iyo duunyo tiro badaniba ku dhinteen dhibaatadaas dhacday, “Si aanu uga war doonno dhulka go’doonka ah ee ay ku dhufteen roobabkii xoogganaa ee dabaylaha watay, waxa aanu dalka Jabuuti ka raacnay diyaarad Helicopter ah, waxa aanu raacnay badda, waxaana aad arkaysay laga bilaabo Jabuuti illaa degmada Lughaya, meeli meel kale ka biyo yarayd ma ay jirin, fadhigii koowaadna waxa aanu fadhiisannay degmada Lughaya, halkaasna wax aan laga sheekayn Karin, ayaanu ku aragnay, magaalo dhan oo baaba’day oo dhammaan guryihii ku yaallay dhulka la sinmeen, dadkii oo taag taagan oo wax alla wax ay haystaan aanay jirin, wixii Xoolo aaggaas ku noolaa iyo wixii hoy ahaa ayaa burburay,” ayuu yidhi madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil, waxaana isaga oo hadalkiisa sii wata uu intaas ku daray, “Dadka xeebtu waa dad deggen oo aan guur guurin dhinaca xeebtu, baddii iyo biyihii ayaa is qabsaday, dhulkaasna waxa ka mid ahaa Maame, Ido-caddays, Sabo-wanaag, Hayayta, fawaxo, Ceel sheekh ilaa Cabdi Geeddi, meesha Hadayta la yidhaahdo ayaanu dul fadhiisannay, mana odhanaysid meeshaasay dad deggenaayeen, biyihii halkaas ku dhacayna waxa ay abuureen inay dhulkiiba gooyaan oo ay xataa baddii soo durkiyaan, dadka aanu halkaas ugu tagnayna inta baxday waxa ay ahaayeen kuwo aan isu war haynin oo kuwii dhintay aasaya oo meydadkii uu daadku ka qaaday Cabdi Geeddi iyo Gargaara bari uu halkaas ugu tegay, wixii ay xoolo lahaayeenna badday dul sabbaynayeen, dadkaasina gacmo madhan bay ahayeen, daadkuna waxa uu sameeyey darbi dheer oo xoolihii iyo dadkiiba meel ay ka baxaan la’yihiin, waxaana aanu kala talinay inay meeshaas ka baxaan.”

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxa uu shaaca ka qaaday in marka laga yimaaddo nafaha shacabka ka dhintay, ay masiibadani baabi’isay guud ahaanba dhaqaalihii qaranku lahaa ee dhinaca gobollada Awdal iyo Selal, maadaama oo xoolihii iyo Beerihiiba baaba’een, waxaanu yidhi, “Dabaysha culayskeedu waxa ay ku dhacday dhinaca Gargaara Bari illaa Lug-haya iyo tuulooyinka ku dhaw, dhulka inta kalena waxa ay la qabaan biyaha markaa Somaliland waxa ka burburay dhaqaale weyn, xoolo wixii dalku lahaana gobollada Awdal iyo Selal waxna daad baa qaaday, waxna qabow baa laayey.”

Madaxweyne-ku-xigeenku waxa uu sheegay in dhibaatada ay sababeen roobabkii dabaylaha watay ay tahay mid ka ballaadhan awoodda qaranku leeyahay, “Garbo-dadar iyo Waraabe dayreed oo beero badan ahayd inuu dhulku beer ahaa iyo in kale la garan maayo, wax alla iyo wixii la beerayna gebiyo ayuu ka wada dhigay, illaa Baki oo beer biyood ahaydna way baa’ba day, dhibaatada halkaas ka dhacdayna mid maanta awooddeenna aad uga weyn weeye,” ayuu yidhi Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici.

Mudane Saylici, oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray. “Dadkaa dhibaataysan baahida cuntada waxa kaga daran baahida hoyga, dadkii jilicsanaa, haweenkii iyo carruurtiiba bannaan bay fadhiyaan, gurmad degdeg ahna waa loo baahan yahay, qof kasta oo maanta Ilaahay wax siiyey. Ka xukuumad ahaanna ilaa maalintii dhibaatadu dhacday shirar isdaba joog ah baa lagu jirey, xukuumaddu wixii ay haysayna way diyaarisay, hay’adihii heegan baa la geliyey, gurmadkii koowaadna oo ah diyaarado dhulka go’doonsan raashin gaadhsiiyana waxa inoo diray dalka aynu saaxiibka nahay ee Imaaraadka, Berri-na laba kale oo midi ay raashin siddo ayaa imanaya insha Allah.”

Ugu dambayntii madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici) waxa uu ugu baaqay dhammmaanba hay’adaha iyo cid kasta oo diyaar u ah inay gacan ka geystaan taakulaynta dadka masiibadu ku habsatay, inay la xidhiidhaan guddida Aafada Qaranka oo uu guddoomiye u yahay madaxweyne-ku-xigeenku, isaga ganacsatada iyo dhammaanba shacabka reer Somaliland-na ku boorriyey inay u guntadaan sidii ay doorkooda u qaadan lahaayeen.

Dawannews Hargeysa office

 

Leave a Reply