Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kafaalo qaaday nolosha Ibraahim Muuse Cabdi oo ah wiil dhallinyaro ah oo masiibadii duufaantii ku dhufatay xeebaha Somaliland ku waayey qoyskiisi oo ka koobnaa lix ubad ah oo ay walaalo ahaayeen iyo labadiisi waalid.
Ibraahim Muuse Cabdi oo isagu wakhtigaasi ku sugnaa dugsigii uu ka dhiganayey waxbarashada ayaa sidaasi kaga badbaaday masiibadaa ku habsatay qoyskiisa, wuxuuse garab iyo taageero buuxda ka helay qaranka Somaliland ee uu madaxweynaha ka yahay Mudane Muuse Biixi Cabdi oo dorraad kormeer u kuur gal ah ku soo maray deegaannada Saylac, Caasha-caddo, Lughaya iyo Gargaara Bari oo roobabkii dabaylaha watay ay khasaare ballaadhan gaadhsiiyeen, waxaanu madaxweynaha Somaliland indhihiisa ku soo arkay xaaladda dhabta ah ee halkaas ka jirta.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu si gaar ah u xusay qoyskii masiibadu haleeshay, waxaanu yidhi “Waxa jira qoys dhawr iyo toban qof ahaa oo wiil yari ka hadhay, wiilkaasna waanu doonaynaa, haddii reerkoodii baxayna qarankiisii baa jooga, xilkuna qaranka ayuu saaran yahay, markaa wiilkaasi inuu na raaco ayaanu doonaynaa,” intaa ka dib waxa uu madaxweynuhu la wareegay masuuliyada wiilkaasi.
Waxaanu madaxweynuhu isla xalay ku qaabilay wiilkaasi yar qasriga Madaxtooyada Somaliland, waxaanu madaxweynuhu wiilkaa dhibtu soo gaadhay u jeediyey weedho waalidnimo ah oo uu ugu caqli celinayey ardaygaasi, waxaanu yidhi madaxweynuhu “Illaahay baa geerida iyo noloshaba keena, dabadeed waa lagu samraa wixii illaahay keenaba, waa kaa tacsiyadaynaynaa waalidkii iyo walaalihiiba, wixii dhaca illaahaybaa keena waa qadar Alla, imtixaanka noloshaanay ka mid tahay, nin yarna waad tahay, meeshii uu waalidku ka baxayna tolkaa oo qaranka Somaliland ah baa jooga, Somaliland oo dhan baa ah, qof walba meeluu joogaba xilbuu iska kaa saarayaa, dhibtuu kula qaybsanayaa iyo wixii kugu dhacay.”
Madaxweynuhu waxa uu wiilka ugu caqli celiyey in aanay cidina maanta soo celin Karin waalidkii iyo walaalihii, waxaana ka mid ahaa weedhaha madaxweynaha “halkii waalidka cidina ma soo celin karto, aabbiyo, hooyiyo, walaalo cidina buuxin kari mayso, laakiin Somaliland oo dhan ayaa kula dareemaysa taa in aanay cidina buuxin karayn, balse waa lagula dedaali, qiyamkaaga, waxbarashadaada iyo noloshaada qarankaa kafaalo qaaday, halkanaad joogi, iskuulka halkanaad ka geli, noloshaada iyo mustaqbalkaaga waad dhisan, oo qarankaa kaa kafaalo qaaday ilaa jaamacadaada ilaa inta aad waxbaranayso, in la buuxin karo wixii waalidku kuu qabanaayey ayaanu diyaar kuugu nahay.”
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu wiilka Kula dardaarmay inuu qur’aan akhriska badsado niyadana uu adkaysto, waxaanu yidhi “Qur’aankana akhri, niyadana adkee, insha Allaah illaahay baa cawad khayr qaba kusiin doona. insha Allaah waxaan kuu rajaynayaa mustaqbal wanaagsan, Illaahay idinkiisa inuu ku siiyo”.
Afar iyo labaatankii bishan May ee sannadka 2018 ayey ahayd markii Wargeyska Dawan uu baahiyey xaaladda murugada badan ee ku dhacday Ibraahim Muuse Cabdi oo masiibadii dufaanta Sugar ku waayey labadiisa waalid iyo lix caruur ah oo ay walaalo ahayeen.
Dawannews Hargeysa office