Somaliland oo sheegtay in aan Hawadeeda Lagu Wareejin Soomaaliya

0
298

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdillaahi Abokor Cismaan ayaa sheegay in aan maamulka hawada Somaliland lagu wareejin dawladda taagta daran ee Soomaaliya.

Wasiirka Cabdillaahi waxa uu sidaasi ku sheegay warbixin uu shalay ka hor jeediyay guddida joogta ah ee golaha guurtida Somaliland, waxaamu tilmaamay inuu socdo wada hadal ku saabsan hawada Somaliland iyo Soomaaliya, isla markaana aanay jirin wararka sheegaya in dawlada Soomaaliya lagu wareejiyay hawada.

Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Cabdillaahi Abokor Cismaan waxa kale oo uu faahfaahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay shilalkii dhacay sanadkii dhammaaday ee 2017. Sidoo kalena waxa uu daboolka ka qaaday inay muddo bil ah hakad galiyeen dhismihii jidka wadada Ceerigaabo.

Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Cabdillaahi Abokor Cismaan isaga oo ugu horeyn arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Duulimaadyada hawada weynu ognahay in mudo badan u soo socday arrintaa waxaa imika gacanta ku haya, wasiirka wasaaradda arrimaha dibada Somaliland, iyo maareeyaha garoomada maada aanan imika aanan anigu gacanta ku heynin bari dhaweyd shirbay ku soo soo yeesheen Nayroobi, waxaana ina dhexdhexaadinayay UN, marka arrintaasi waa mid socota, walina go,aamo rasmiya lagama soo saarin iyagana wax imika lagu wareejiyay ma jirto”

Dhanka kale wasiir Cabdillaahi oo ka hadlayay hakadka y galiyeen dhismihii jidka Ceerigaabo waxa unu yidhi “Wasaaraaddu wasaaradd cusub kuna cusub wasaaradaha dalka ayay aheyd, waana markii koobaad ee wasaaradd gaadiidku yeelato Somaliland mudada 27-ka sanadooda ee ay jirtay markii hore waxaa ay ahaan jirtay waax ka tirsan hawlaha guud, waxaana soo saaraaca qaybtan horumarinta jidadka, sidiisabana saddex gaadiid uunbaa la isticmaala, gaadiidka bada, gaadiidka bariga, gaadiidka cirka, dhab ahaantiina caalamka wadan aanay ka jirin wasaaradd gaadiid ma jirto, hase yeeshe duruuftay doontaba ha ahaate intii Somaliland jirtay wasaaraddan gaadiidku may jirin, waxaanay ka mid tahay wasaaradda ugu xooga roon, sababto oo ah waxaa ay ka shaqeynaysaa isu socodkii bini’aadamka, hadii aan isu socod bini’aadam jirina horumarba iman maayo, markaa inta badan waxaa aanu ka shaqeynaa waa kaabayaasha dhaqaalaha, waxaana soo hoos galaya wadooyinkii waxaa hoos imanayna dhismayaashii goormada diyaaraddaha, waxaa imaneysa dekaddihii qayb ka mida inaynu sameyn doono, markaa imika waxanu gacanta ku heynaa mashruuca ugu baaladhan ee Somaliland ka socda, dhanka horumarinta oo ah dhismaha jidka Ceerigaabo, iyada oo aan laga shaqeyn mudadii todobada bilooda ee lagu jiray ololaha ayaanu anagu xafiiska nimid, waxaanu ku guuleysanay inaanu mashruucaasi dhaqaajino, mashruucaasina meel wanaagsan ayuu maraya shaqaduna waa shaqo culus, waxaa saameyn nagu yeeshay dagaalka deegaanka Ceel-afweyn anaga iyo shaqaalihii ka hawl galayayba, waxaana ina soo gashay oo lagu jiraa bishi barakeysneyd ee Rabadaan, markaa labadaasi duruufood anaga oo eegaynaa shaqaalihii waanu fasaxnay bishan Rabadaan, caadiyana shaqaalaha waala fasixi jiray shaqaduna waa shaqo adag, waxaananu aad u rajeynaynaa inaanu dib u bilowno”

Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadku waxaa uu faahfaahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay shilalka gaadiidka sanadkii dhammaaday ee 2017 waxaanu yidhi “Somaliland dhibta ugu badan ee nafeed amase maal, waxaa ina soo gaadhsiiyaa waa gaadiidka, sanadkii dhamaaday ee 2017-kii 197 qof ayaa ku dhintay, in badan laba kun iyo saddex boqol oo qofna way ku dhaawacmeen, hanti lagu qiyaasay ilaa saddex malyan oo dollarna waa ay ku baaba’een, hadana iyada oo waxaasi oo dhami jiraan cidi isma weydiiso, maalin walbana cidbaa ku dhimata, xaga nabad qabka gaadiidka aad iyo aad ayaynu ugu hooseynaa, lamana dareensana, dagaalkaa Tuka-raq ee qaranka oo dhami u taagan yahay waxaa inagaga khatar badan dhibta uu inagu hayo gaadiidku, dhawaan madaxweynuhu waxaa uu soo saari doonaa, gudida badqabka gaadiidka, sameyn doontana shuruuco ku meel gaadha, inta ugu badana waxaa shilalkaasi u dhacayaan waa saddex sababood, aqoon daro xaga wadayaasha gaadiidka ah, nidaamkeeni liisan bixintuna aadbuu u jilicsanaa oo aadbay u hooseysay, wado xumo ka jirta gudaha dalka,gaadiidkeen haaadka aynu iska dhaafno iyo nidaamka wadooyinkeenu u sameysan yihiin waa ay is dhaafsan yihiin, waxaanau bilaabi doonaa olole balaadhan oo hawlahaasi wax lagaga qabanayo”

Sidoo kale waxaa uu wasiir Cabdillaahi Abokor Cismaan uu shaaca ka qaaday in bilowga sanadka 2019 ay bilaabayaan mashruucii Berbera Cordinor ee jidka isku xidhayay Wajaale iyo Berbera waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Waxaa sanadka inagu soo foolka leh ee 2019 aanu bilaabi doonaa mashruucii jidka isku xidhayay Berbera iyo Wajaale, taasi oo aan is leeyahay waxaa ay hoos u dhigi doontaa shilalka gaadiidka, sidoo kalena waxaa ay kor u qaadi doontaa dhaqaalaheena, waayo wadanba wadanka uu ka wadooyin badan yahay kana wadooyin fiican yahay ayaa kaabayaashiisa dhaqaalena ay ka horumarsan yihiin, liisanka mudadiisu waa saddex sanadood, wax buugaga oo la bixiyay mudo shan sanadooda ma jirto, kaliya aanagu waxaanu leenahay uun awooda bixintoodaa”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply