Xildhibaan Indho-Indho oo ka Digay Damac Qabyaaladaysan oo Puntland ku Doonayso Dhul Somaliland iyo Itoobiya ka Tirsan

0
326

Hargaysa (Dawan):- Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan Indho-indho oo ka mid ah mudaneyaasha golaha Guurtida Somaliland, ayaa ka digay damac qabyaaladaysan oo maamul goboleedka Puntland uu ku doonayo deegaanno ka tirsan Somaliland iyo Itoobiya, gaar ahaan deegaanada ay degaan dad ay isku hayb yihiin oo ay wadaagaan magac guud.

Waxa kale oo uu sheegay in Somaliland aanay marnaba doonayn dagaal dhiig ku daato, isla markaana ay tix gelinayso deris wanaagga iyo nabad ku wada noolaanshaha dhammaan dalalka ay deriska yihiin iyo guud ahaan ba mandaqada Geeska Afrika.

Xildhibaanku waxa kale oo uu intaa ku daray in ciidanka qaranka ee Somaliland ay awood u leeyihiin in ay saacad gudaheed ku gaadhaan oo ay ku qabsadaan caasimadda Puntland ee Garoowe, laakiin aanay sidaa yeelayn oo aanay doonayn in ay dad dhibaateeyaan.

Mudane Indho-indho, sidoo kale waxa uu uga digay Puntland in ay ka waantoobaan dhulalka ay degaan dadka ay magaca guud ee haybta ah wadaagaan, ee ku kala yaalla Somaliland iyo Itoobiya, waxaanu u soo jeediyay in ay nabad gelyo ku wada noolaanshaha dadka walaalaha ah ay qaataan, isla markaana ay aqoonsadaan xuduudaha dhuleed ee ay Somaliland iyo Itoobiya wadaagaan.

Xildhibaanka oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa yidhi “Dadka deegaanku way ogyihiin cidda duullaanka wadda oo way sheegaan cidda weerarka soo qaaday, ciidamadayadu awood ayay u leeyihiin in ay saacado gudahood ka soo hadlaan Garoowe, laakiin waxaan ixtiraamaynaa dhex dhaxaadinta ay wadaan beesha caalamku, cid kasta oo wanaag waddana waanu soo dhawaynaynaa. dadweynaha reer Laascaanood waannu u sheegnay cidda soo duushay, waanay ogyihiin, waanan ka xunnahay dhiigga daatay. waxaanu leenahay dagaal dhiig baa ku daata labada dhinacba waanu ka xunnahay wixii ka dhintay.”

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata, ayaa intaa ku daray in aanay Somaliland dagaal diyaar u ahayn, waxaanu yidhi “ma doonayno in dhiig dambe daato, cidda waddana waxaanu leenahay dagaalka joojiya, waliba nimanka aanu tolka nahay ayaa dhiiran, nimanka aanu dawlada isku nahay way na maqlayaan, beesha caalamkana way ixtiraamayaan.”

Ugu dambayn xildhibaanku waxa uu ka digay damaca Puntland ay ku doonayso deegaano ka tirsan Somaliland iyo Itoobiya waxaanu yidhi “waxaan uga digaynaa nimankaa Puntland ee Soomaaliya in ay in berrina qabsadaan deegaanada daaroodka ee Itoobiya ku yaala.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply