Xukumadda oo Xoojinaysa Amniga Gobolka Sool iyo Ciidamada Booliska iyo Sirdoonka

0
302

Hargeysa (Dawan)- Xukumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegtay in ay adkaynayso laamaha amaanka ee magaalada Laascaanood ee xarunta Sool iyo guud ahaan ba gobolka, gaar ahaan ciidanka booliska iyo sirdoonka oo si gaar ah loo xoojin doono.

Wasiirka Waasaradda Waxbarshada iyo Sayniska Md: Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) oo ka mid wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax, ayaa sheegay in xukumaddu xoojinayso shaqada ciidanka booliska iyo sirdoonka ee gobolka Sool.

Wasiir Faratoon oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Wakhtigan wixii ka danbeeya magaalada Laascanood booliskeeda waa la xoojinayaa, sirdoonka waa la xoojinayaa iyo dhammaan laamaha amaankana ee gobolka oo dhan waa la xoojinayaa.”

Guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland Mudane Baashe Maxamed Faarax ayaa ciidanka ugu baaqay in ay wada shaqayn wanaagsan la yeeshan shacabka ku dhaqan magaalada Laascanood iyo guud ahaan gobolka Sool, waxaanu yidhi “Booliska iyo shacabku waana col waana walaalo , ninka wanaagsan walaal baa la tihiin, ninka xunna la col baad tihiin. markaa waa in aad kasbataan shacabka, haddii aanay wada shaqayn booliska iyo shacabku shaqadii baa dhexda ka baxaysa.”

Guddiga heer qaran ah oo uu hoggaaminaayo guddoomiyaha golaha wakiillada. Isla markaana ay ka mid yihiin Wasiirka Waxbarsahad iyo Sayniska , Wasiirka Horumarinta Biyaha , Xildhibaano iyo masuuliyiin kale ayaa shalay kormeer ku soo samaayey xarumaha dawladda ee degmada Laascanood gaar ahaan Cisbitaalka guud , dugsiga jiifka iyo saldhiga dhex ee degmada. waxaanay masuuliyintu fureen koob ay ugu magac dareen “nabad iyo horumar” kaas oo dhallinyarada kubada cagtu ciyaari doonaan bisha barakaysan ee Ramadaan .

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply