Abwaanno Reer Somaliland oo isu Xilqaamay Deminta Colaad Ceel-Afweyn

0
358

Ceerigaabo (Dawan): Qaar ka mida abwaaniinta da’da yar ee Somaliland oo isku xil qaamay ka qayb qaadashadda deminta colaad beeleedka degaanka Ceel-Afweyn ayaa gaadhay gaadhay magaaladda Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

Waxaanay abwaaniintaasi shalay kulmo kala gedisan la yeesheen qaybaha kala duwan ee bulshadda gobolkaasi si ay u ogaadaan halka sartu ka qudhuntay iyo sababta keentay in colaadaasi ay soo noq-noqoto.

Kooxdan abwaaniinta ah oo doraad ka baxay magaaladda Hargaysa oo iaygu iskood isku xil qaamay ayaa u jeedadoodu waxay la xidhiidhaa sidii ay qaybtoodda uga qadan lahaayeen xalinta colaad beeleedka mudooyinkanba ka taagan Ceel-Afweyn.

Abwaaniintaasi oo ka kooban lix xubnood waxaa hogaaminaya abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul (laab-saalax), waxaana ka mida C/laahi Xasan Geney, C/qaadir Qalinle, Siciid Maxamuud Gahayr (Hargaysaawi), C/raxmaan Abees, Hal Deeq, iyo Cumar Neheeye.

Abwaan Xasan Dhuxul Laab-saalax, oo xalay khadka telefoonka ugu waramay wargeyska Dawan isagoo joogay magaaladda Ceerigaabo ayaa faahfaahin ka bixiyay waxyaabaha ilaa hadda u qabsoomay iyo halkay wax u marayaan.

Waxaanu sheegay in ay qaybaha kala duwan ee bulshadda gobolka Sanaag la kulmeen, gaar ahaana odayaasha iyo madax dhaqameedka labad beelood ee wax kala gaadheen. Waxaanu yidhi “Waxaanu la kulanay qaybaha kala duwan ee bulshadda haddii ay tahay salaadiinta iyo odayaasha afarta beelood ee wada dega gobolka Sanaag iyo madax dhaqameedka labadda beelood ee colaadu dhexmartay, culimadda, haweenka iyo dhalinyaradda.

Laba u jeedo oo is xambaarsan ayaanu kala hadalnay, midi waxay tahay in aanu wacyigelino in nabadgeliyadu dan u tahay in aanu u sharaxno. Midina waa in aanu ogaano dhibaatadani waxay u dhamaan wayday, waxa la isku hayo, waxyaabha lagu heshiiyay, sababaha heshiisyadda burinaya iyo doorka dawladda.

Habeen danbe waxaanu tegaynaa magaalooyinkii mushkiladu ka dhacday, waxaanan waraysan doonaa dhinacyadii dhibaatadu soo kala gaadhay”.

Sidoo kale abwaan Laab-saalax oo aanu waydiinay in ay jirto cid iyaga u dirtay in ay hawshan galaan haddii ay tahay xukuumadda Somaliland am acid kaleba waxa uu ku jawaabay “Ma jirto cid hawshan noo dirtay. Xukuumadu namay dirin, culimo namay dirin, anagoo abwaaniintii ah ayuunbaa isku xil qaanay in aanu colaadaa demi wayday malaha doorkii abwaanka ayaa ka banaane aan ku kala guntano”ayuu yidhi Xasan Laab-saalax.

Geesta kale Xasan Dhuxul, waxa uu ka hadlay waxay ka rejaynayaan in barnaamijka waan-waanta ah ee ay wadaan in ay ka soo baxaan iyo doorka ay ku yeelan doonaan deminta shaqaaqo beeleedkaasi, waxaanu yidhi “Hawshu way culus tahay markaan runta kaala hadlo. Hawshani waxay u baahan tahay Somaliland oo dhami in ay u soo gurmato, salaadiinteeda, madax dhaqameedkeeda, culimadda iyo bulshadda kale-ba, oo si weyn oo tur-xaan bixin ah oo hoose loo gallo”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply