Cali Marreexaan oo ka Hadlay Dagaalka Maamulka Muqdisho Ka Wado Xuduudaha Bari ee Somaliland

0
261

Hargeysa (Dawan)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda hawlaha guud iyo guryeynta Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) ayaa ka hadlay dagaalka soo noqnoqday ee ka dhex taagan dawladda Somaliland iyo maamul goboleedka Puntland ee Dalka Soomaaliya .

Cali Mareexaan ayaa maamulka Soomaaliya ee Puntland dusha u saaray dagaalada waxaanu yidhi “Marka ugu horaysa waxaan u arkaa in bisha ramadaan cid bina aadama ah oo muslim ah oo magaca soomaali sidata oo dagaal u baahani aanay jirin, haddana Puntland marka ay guddiga dagaalka magacaabaysay, markii ay dagaalka iclaaminayeen, markii ay weerarada soo qaadayeen iyo shalay oo u dambaysay oo ay lahaayeen dagaalku wuu sii soconayaa intaba waa la arkayey oo weerar ayey ahaayeen haddana iyaga oo dafiraya ayaa la arkaa, dagaalkuna xaga Puntland ayuu ka socdaa oo wax qarsoon maaha.” ayuu yidhi Cali Mareexaan oo u waramay telefashanka Maxliga ah ee HCTV.

Cali Xasan Mareexaan ayaa si adag u dhaliilay baaqyada kala duwan ee ay soo saaraan maamulka Puntland waxaanu yidhi “Waxaan la yaabay in marka ay baaqyada soo saarayaan ay ka hadlaan oo ay yidhaahdaan Laascanood waa la gumaystaa, waana hadal laga xishoodo oo dad waa weyn oo masuuliyiin ah oo intay labaatan isku soo tubaan warbaahinta odhanaya Puntland ayaanu masuul ka nahay oo odhanaya Laascaanood ayaa la gumaystaa, waanay ogyihiin in dhammaan masuuliyiinta gobolka Sool joogtaa ay yihiin reer Laascaanood ee yaa gumaysta, mana aha qofku inuu sida uu doono u hadlo balse hadalada qaar ayaa u baahan in laga xishoodo, mida kale baaqyada ay soo saarayaan ee ay leeyihiin reer Laascaanood qofka Somaliland taageera waa la tooganayaa goorma ayaa waxaas la dhaafay, goorma ayey dunidu dhaaftay in qofka rayigiisa iyo waxa uu aaminsan yahay xabad loola dhaco, ma khasab ku soo gal puntland baa, sidaas waxa u fikira reer Puntland oo xagan Somaliland doorashooyin, dimuqraadiyad iyo xoriyatul qawl ayaa ka jira.”

Sidoo kale Ex Wasiir Cali Mareexaan ayaa soo bandhigay tacadiyo ay ciidamada Puntland ka gaysan jireen wakhtigii ay haysteen magaalada Laascaanood waxaanu yidhi “Sannadkii 2003-dii ayey Putland mar qabsatay Laascaanood, ciidamo Gaalkacayo ka yimid ayaa qabsaday oo ilaa sannadkii 2007-dii ayey haysteen, dadkana suuqa ayey ku toogan jireen, dadka shacabka ah iyo kuwa meheradaha haysta waxay jiidhsiin jireen shilkayaal iyo beebeeyo, umadii intay khaatiyaan ka istaagtay ayaa kacdoon shacab lagaga eryayey, magaalada Laascaanood iyo gobolka Sool waxa jooga dadkii reer laascaanood, dadkii reer Somaliland ayaana jooga, mudadaas ay Puntland ka maqnayd ee 11-ka sannadood ah ee ay Somaliland haysay laga qabtay waligoodna kamay qabteen.”

Dhinaca kale Wasiirkii hore ee Hawlaha guud Cali Mareexaan ayaa ka hadlay wax qabadyada ay Somaliland ka fulisay magaalada Laascaanood waxaanu yidhi “Anigu wasiirka hawlaha guud ayaan ahaa, dhawryo soddon km oo laami ah ayaan ka dhisnay magaalada badhtankeeda oo reer Laascaanood oo dhami way ogyihiin, jaamacado ayaa ka furan, cusbitaalo ayaa laga dhisay, horu marin ayaa laga sameeyey, dhinac kasta oo nolosha ah wax ayaa laga qabtay, dhismayaasha hada ka socda waa magaalada ugu horu marka iyo baaxada balaadhan magaalooyinka Somaliland, waxan ay leeyihiin ee durbaanka reereed ay soo garacaayaan reer Laascaanood ma rabaan, dadkuna waa isku wada reer, anigu reer Caynaba ayaan ahay oo reer Sool ayaan noqonaya, anigu markaa ma Japan ayaan ka imid marka adiga oo Gaalkacayo jooga aad ii sheeganayso Laascaanood ee aad qabiil ku sheeganayso, waxooda oo dhammina waa qiiro jaban oo iska muusanow ah, waxa ugu weyn ee hada muuqdaana waa doorashooyinka oo ladhka kiciyey, Cabdi Wali Gaas oo mudo kordhin doonaya iyo murashixiin kale oo ku shiday kuwaas oo lagu yidhi ninkani dagaalami maayo, dabadeedna madax madax ayey isku soo qaadayaan.”

Cali Xasan Mareexaan ayaa soo bandhigay waxyaabaha ay Somaliland doonayso waxaanu yidhi “Puntland iyo umada kale iyo soomaalida kalaba waxaanu ugu baaqaynaa inaanay Somaliland dagaal rabin, inay jaarnimo doonayso, inay doonayso in ganacsigeenu isku socdo, inaanu doonayno in walaaltiniimo iyo daris wanaagsan noqono, Aduunyada oo dhan xuduudaha waxa dhigay gumaystihii waanay isku yaacaysaa dunidu haddii la yidhaa xuduudo reero ayaa la samaynayaa, cid caalamka ah oo aqbalaysaana ma jirto.”

Ugu dambayn Wasiirkii hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeynta Cali Mareexaan ayaa fariin u diray madaxweynaha Soomaaliya waxaanu yidhi “Xamar ayan doonayaa inaan ka taliya oo madax ayaan doonayaa inaan ka noqdo, Laascaanood agteedadana xuduud qabiil ayaan dhigayaa wax is qabanaya maaha, sidii gorayadii inaad ciyaarta midba lug kula jirto maaha waa inaad dhinac iskugu lugo duwataa, waa inaad qabiil meel isla soo taagtaa oo aad xamar iyo meel walba ka timaadaa oo aad tidhaahdaa qolo ayaan ahay ama waa inaad aamintaa sida sharciga, xuduudaha iyo sida aduunku yahay.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply