Guddoomiyaha Baanka oo Iftiimiyay Qorshe Lagaga Bixi Karo Sicir Bararka

0
267

Hargaysa (Dawan): Guddoomiyaha baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland Cali Jaamac Ibraahim (Baqdaadi), ayaa shalay kulan ku saabsan sidii wax looga qaban lahaa sicir bararka xadhkaha goostay la yeeshay yeeshay guddiga joogtadda ee golaha Wakiiladda Somaliland.

Gddoomiyaha oo kulankaasi kadib warbaahinta la hadlay ayaa sharaxay waxyaabaha ay ka wadahadleen guddiga joogtadda ah ee golaha Wakiiladda, waxaanu sheegay in isla soo qaadeen sidii wax looga qaban lahaa dhibaatadda sicir bararka iyo qiimo dhaca lacagta shillinak Somaliland.

Cali Jaamac Baqdaadi, oo faahfaahin ka bixinayay arrimihii ay guddiga joogtadda Wakiiladda ka wadahadleen waxa uu yidhi “Maanta (shalay) waxaan imid golaha Wakiiladda oo aan la kulmay guddiga joogtadda ah ee golaha Wakiiladda. Waxyaabo badan ayaanu iska waraysanay, oo saamayn ku leh dhaqaalaha Somaliland. Haddii ay tahay sicir bararka, haddii ay tahay shillinka aanu qiimihiisu deganayn, haddii ay tahay canshuuraha la qaado iyo arrimo kale.

Si fiican ayaanu isku af-garanay, waxaanan rejaynaynaa in golaha Wakiiladda wadashaqayn wanaagsan aanu yeelan doono”.

Geesta kale guddoomiyaha guddiga joogtadda ah ee golaha Wakiiladda Somaliland xildhibaan Cali Obsiiye Diiriye (Cali-Gabiley), ayaa isna ka warbixiyay waxyaabihii ay ka wada hadleen guddoomiyaha baanka dhexe iyo qorshihiisa ku aadan sidii wax looga qaban lahaa sicir bararka dalka muddooyinka ka taagan.

“Waxaanu ka wadahadalnay maadaama oo weli uu dalkeenu la ciir-ciirayo dhibaatadda sicir bararka, isna uu yahay guddoomiyihii baanka dhexe, inkastoo uu cusub yahay oo muddo bila uu joogay, hadana waxaanu waydiinay maxaa kaaga ifay iyo sidee ayaad u hawl geli karaysaa, ayay arrinta aanu ugu yeedhnay ay ahayd. Arrimahaasina wuu naga dhaadhiciyay, waanan isla af-garanay” ayuu yidhi xildhibaan Cali Gabiley.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply