Ugaas Dhiig ugu Tabarucay Bukaan Jiifka Cisbitaalka Guud ee Hargeysa

0
312

Hargeysa (Dawan) Ugaas Cabdirisaaq Koosaar Cali oo ka mid ah madaxdhaqameedka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa dhiigiisa ugu deeqay una shubay dadka bukaanka ah ee jiifka cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, isaga oo bisha barakaysan ee Ramadaanta awgeed ku sadaqaystay dhiigiisa.

Ugaas Cabdirisaaq Koosaar Cali, sidoo kale wuxuu ugu baaqay bulshada qaybaheeda kala duwan inay dhiigooda ugu deeqaan oo ay u shubaan walaalahooda xanuusanaya ee cisbitaalka jiifa, isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxaa uu yidhi “Halkan aan jooga waa cisbitaalkii guud ee caasimadda Hargeysa, maanta waxaan halkan u imid inaan dhiigeyga u shubo bulshada bukaan jiifka ah ee cisbitaalka guud, waxaan ugu baaqayaa, salaadiinta, culimada, siyaasiyiinta, masuuliyiinta kala duwan ee xukuumada talada heysa iyo bulshada qaybaheeda kala duwan in si caama dhiiga loo shubo, xasanaad baana inoogu jira maadaama bishi barakeysneyd ee Rabadaan lagu jiro”

Sidoo kale, maamulaha qaybta keydinta dhiiga cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa mudane Cabdifataax Jibriil Maxamed, ayaa isaguna dhiniciisa ugu baaqay bulshada in ay dhiigooda ugu tabarucaan bisha barakeysan ee Rabadaan dadka walaalahood ah ee xannuunada la il daran ee yaala cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.

Dr. Cabdifataax oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Halkani waa cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, gaar ahaan waaxda keydka dhiiga, maanta halkan waxaa nagu soo booqday ugaas Cabdirisaaq Koosaar Cali oo dhiigiisa ugu tabarucaya bukaanada yaala cisbitaalka, dhab ahaantii cisbitaalku waa cisbitaal baaxad weyn, oo bukaanada gobolada dalka oo dhan loo soo gudbiyo, bukaanadaasi qaar badan oo ka mid ahi waxa ay u baahdaan dhiig, dhiigaasina inta badan waxaa uu culeyska ugu badan uu ku dhacaa xaruntan keydka dhiiga, markaa dadka iyada oo aanay cidina la soo hadal waa in ay yimaadan oo dhiigooda ugu tabarucaan dadka walaalahooda ee xanuusanaya.”

Dawannews Hargeysa office

 

Leave a Reply