Wasiir Koore oo ka Jawaabay Hadallo ka soo Yeedhay Puntland

0
284

Laascaanood (Dawan)- Wasiirka wasaaradda Horumarinta Biyaha Jamhuuriyadda Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koore), ayaa si adag uga jawaabay hadallo niyad jab ka muuqday oo ka soo yeedhay xubno ka mid ah maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Xubnahaasi maamulka Puntland ka tirsan oo beryahan warbaahinta ka sheegayay in ay dil toogasho ah ku xukumayaan ciddii degan goboladoodda ee taageerta Somaliland, hase yeeshee wasiir Koore ayaa arrintaasi ku tilmaamay mid lala yaabo, isla markaana aanay jirin cid ay Somaliland dilayso ama dhibaataynayso.

Wasiir Saleebaan Cali Koore, oo shalay warbaahinta kula hadlay magaaladda Laascaanood, waxa kale oo uu sheegay in dad fidmo wadeyaal ah ay doonayaan in ay rebshado iyo dhibaato ka gaystaan magaaladda Laascaanood, isla markaana ay magaaladda dib ugu celiyaan waxyaabo ay ka soo gudubtay.

Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa jirta fidmo dadka lala dhex wareegayo, wuuna ka soo kabtay gobolkani Sool dhibtii. Waxaana la rabaa in mar labaad lagu soo celiyo gobolkan dhibtii ka jiri jirtay, waana gobol degan oo horumaray, haddii ay tahay Laamiyadda, haddii ay tahay caafimaad iyo haddii ay tahay biyo iyo haddii ay tahay amnigii magaalada Lascaanood oo dhinac kasta Laamigu uga baxay”.

Wasiirka biyaha Somaliland oo u jawaabayay xubnaha reer Puntland ee warbaahinta hadaladda dhagaraysan ka soo tebiyay waxa uu yidhi “Waxaan aad iyo aad uga xumahay in ragg masuuliyiina oo ka tirsan maamulka Puntland ay yidhaahdaan hebel iyo hebal ayaanu dilaynaa oo toogasho ku xukunay, anagu cid aanu dilaynayaa oo toogasho ku xukunay ma jirto, kuwa Puntland jooga ee gobolkan ka soo jeeda waxa aanu ku soo dhawaynaynaa gacmo furan, wuu shaqo tegay, waxaanu u shaqo tegay sida Sucuudiga loogu shaqo tago”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply