Wasiirka Caddaaladda oo ka War Bixiyay Kormeer uu ku Maray Xabsiyada Gobolada Bari

0
432

Hargeysa (Dawan):- Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Somaliland Cabdiqali Maxamuud Caateeye Fariid,ayaa socdaal shaqo ku soo maray xabsiyada gobolada bari ee dalka isla markaana ka soo daah furay barnaamijka  Maxbuus la Afur Madaxweynahaaga.

Wasiirka Caddaaladda oo ka war bixiyay socdaalka shaqo ee uu ku tegay gobolada bari kuna soo maray xabsiyada gobolada bari oo kala ah Caynaba, Laascaanood,gar-adag,Ceel-afweyn,Ceerigaabo iyo Burco.

Waxaa uu tilmaamay in barnaamijka  Maxbuus la afur Madaxweynahaaga uu yahay barnaamij noociisu aanu caalamka oo dhan ka dhicin isla markaana uu yahay mid uu bilaabay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo taariikhda u galay isla markaana  muujinaya sada Madaxweynuhu  u ogyahay xaaladda maxaabiista dalka oo dhan waxaa kale oo uu intaa raaciyay in Madaxweynuhu u kordhiyay Maxaabiista raashinkii loogu samayn jiray jeelasha.

Wasaiirka Caddaaladda Somaliland oo isagoo ku sugan xarunta gobolka Togdheer ee Laascaanood waraysi gaar ah siiyay wargayska Dawan,waxaa kale  oo uu tilmaamay in maxaabiista xabsiyada dalka Somaliland in ay aad ugu diirsadeen iyagoo xidhan in Madaxweynaha dalku in uu xasuusto oo raashinkii loo Karin jirayna sanadkan u kordhiyay isla markaana uu afuriyay.

“waxaan socdaal dhawr cisho ah ku soo maray jeelasha gobolada bari oo aanu soo kormeerayay isla markaana ka soo daah furayay barnaamij aad u qiimo badan oo ah  barnaamij aan caalamka oo dhan hore uga suura gelin oo ah Maxbuus la afur Madaxweynahaaga kaas oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland  uu ku afurinayo 14 xabsi oo dalka ku yaalla dhammaan maxaabiixtya ku xidhan si aanay Ramdaanta u dareeminxabsiga iyo cidna in ay joogaan waxaanan soo maray oo barnaamijka aan ka soo daah furay xabsiyada Caynaba, Laascaanood, Gar-adag,Ceel-afweyn iyo Ceerigaabo waxaa kale oo aan kuu sheegayaa daah furka ka hor in uu  xabsiyada ka socday oo dhammaan xabsiyada dalka oo dhan uu ka bilaabmay maalintii aanu ku daah furnay xabsiga Madheera, waana Barnaamij aan wali caalamka ka dhicin oo uu ugu horreeyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi isla markaana ay fulinayso wasaaradda Caddaaladda Somaliland maxaabiistuna aad ayay u soo dhaweeyeen waxaa kale oo si wayn u soo dhaweeyay dhammaan bulsahda qaybaheeda kala duwan.”

Wasiirka oo  la waydiiyay nooca  raashinka loo sameeyo maxaabiista ee ay kula afuraan  madaxweynaya,ayaa ku jawaabay. “toddobaadkii  mara ayaa xoolo loo qalaa oo ay hilib cunaan inta kalena afurka ugu wacan ee lagu afuro iyo cunto casho ah oo bariis,baasto ama makaroone ah iyo waliba caano ayay ku casheeyaan suxuurtana dadkuba waa isku wada mid  intooda badani oo qamadi iidaaman ayay cunaan. Waxaa kale oo  Madaxweynuhu uu u kordhiyay dhammaan xabsiyada dalka maxaabiista ku jirta raashinka caadiga ahaa ee ay lahaayeen oo samadkan loo kordhiyay.maxaabiixta oo aanu la sheekaysanay aad ayay u soo dhawweyeen in iyagoo xidhan ay la afuraan oo Madaxweynaha qaranku uu afuriyo.”ayuu yidhi wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Somaliland oo u warramay wargayska Dawan.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply