Dr. Edna oo ka War Bixisay Kulan ay la Yeelatay Xukuumadda Sweden

0
297

Sweden (Dawan) Dr. Edna Aadan Ismaaciil oo ah ergeyga Somaliland u qaabilsan wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya oo la kulantay wasiirka arrimaha dibeda ee dalka Sweden ayaa sheegtay in ay ay sharraxaad iyo faahfaahin ka siisay in Somaliland iyo Soomaaliya ay yihiin labada dal oo kala madax bannaan.

Sidoo kale Dr. Edna waxay tilmaantay inay ku wargelisay dawladda Sweden in aanay Soomaaliya wada hadal diyaar u ahayn balse ay qori caaradii wax ku waddo. Kulankanka wasiirka iyo Dr. Edna ayaa ahaa mid ka qabsoomay xarunta wasaaradda arrimaha dibedda ee dalka Sweden.

Dr. Adna Aadan Ismaaciil ergeyga xukuumadda Somaliland u qaabilsan wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya iyada oo arrimahaasi ka hadleysa waxay tidhi “Waxaan aad u salaamayaa bulshaweynta reer Somaliland dawladdeena Somaliland waxaan arrinkani qaban qaabo weyn ka galay sidii aan kulan ula yeelan lahaa wasaaradda arrimaha dibada Sweden, qaybihii uu soo tilmaamay ee geeska Afrika ee Somaliland iyo Soomaaliya, intaan geedka la tagin ayaa gartaada la sii akhristaa waa inaynu sii diyaarsanaa dalkeena Somaliland sidii uu ahaan jiray halka uu ka yimid markuu maxmiyadda Ingiriiska ahaa, waraaqihii caddeynayay wakhtigii aynu xornimada qaadaney wixii caddeynayay xuduudeena iyo taariikhdii Somaliland iyo Soomaaliya sidii ay isu raaceen, inay Somaliland aheyd dalkii da’da weynaa waa inay dadku ogaadaan, in Somaliland iyo Soomaaliya midna midka kale laheyn ee ay laba waddan kala ahaayeeen oo heshiis isku raacay.”

Dr Edna oo hadalkeeda sii wadata ayaa intaa ku dartay in Somaliland ay mar walba u taagan tahay nabad iyo wada hada,halka Soomaaliya ay xoog iyodagaal wax ku doonayso oo aanay diyaar u ahayn in la wada hadlo,waxaanay tidhi. “imikana Soomaaliya hadal diyaar uma aha , kuwa horena la galayna ma ogola ee waxay doorbideysa inay qoriga ku hadasho gacanta ka hadasho, markaa waxaanu isku daynay inaanu ka dhaadhicino waxa xaqu yahay.”

Ugu dambayn waxaa ay beesha Caalamka u dirtay farriin daarran in caalamku uu ka garnaqo sida Soomaaliya uga gar daran tahay Somaliland,waxaanay tidhi Dr Edna “waxaa aanu ka filaynaa caalamka inuu fiiro gaarah ka yeesho, arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya, iyo sida Somaliland looga gar daran yahay muddada 27-ka sano ah ee ay jirto, ee loogaba dhageysan waayay kiiskeeni markaa waxaan ku dooday bal horta nagaba dhageysta in aanu xaq leenahay iyo in kale halkaasi ayay ka soo bixi doontaaye, fursad aad u wanaagsan ayay aheyd hase ahaate waxaa loo baahan yahay in caasimad wal oo adduunka ah warkaasi la gaadhsiiyo”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply