Guddoomiyaha Sool oo ka Hadlay Xaaladda Nabadgelyada Tukaraq

0
285

Laascaanood (Dawan) Gudoomiyaha gobolka Sool mudane Cabdi Khayre Dirir oo ka hadlay xaalada nabad-gelyo ee degmada Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegay inay hada xaaladu tahay mid degan, oo aanay wax dhib ahi ka dhicin todobaadkii ugu danbeeyay.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in xaalada amni ee gobolka Sool iyo ka degmada magaalada Laascaanood ay haatan degan tahay. Dhanka kale waxaa uu ugu baaqay dadka baraha bulshada wax ku qora ee wada kicinta iyo guubadada bulshada inay ka waantoobaan, waxaanu sidan ka sheegay mar uu shalay warbaahinta kula hadlayay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Gudoomiyaha gobolka Sool mudane Cabdi Kheyre Dirir isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Gobolka waa nabadgeliyo wax dhibaato ah oo hada ka taagan habayaraate ma jirto, waxaa mahadaasina iska leh Illaaha raxmaanka ah deegaankuana waa rooban yahay raxmaadkiina Illaahey wuu ku shubay xoolaha iyo dadkuna waa caafimaad qabaan deegaanka Tukaraqeed ee baryahan colaadu ka jirtay way degan tahay todobaadkii ugu danbeeyay oo wax dhibaato ahi kama jirto, ciidamaduna fadhiisimadoodi way ku sugan yihiin waxaanan umad celinayaa dhammaan ciidamada abniga, waxaanan u mahad celinayaa ciidamada abniga ee gobolka Sool, qaybta ciidanka booliska iyo haday tahay laamaha kale ee abniga ka hawlgalaba sida wacan ee ay uga hawl-galayaan abniga goboolka iyo ka degmadaba”

Gudoomiye Cabdi Kheyre waxaa uu ugu baaqay dadka baraha bulshada wax ku qoraa inay ka waantoobaan waxyaabaha horseedi kara kicinta bulshada waxaanu yidhin “Ma wanaagsana in magaaladeeni wax aan jirin aynu ka sheegno sumcad ahaan gobol ahaanba inaga ayay wax ina yeelaysaa, shaqsiyaadka caanka ka noqday baraha bulshada ee beenta cad ee nabadgeliyada gobolka wax u dhimeysa haka waan toobaan.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply