Sagal Jet oo Dhar Ciideed iyo Lacag ugu Deeqday Xarunta Agoomaha Hargeysa

0
309

Hargeysa (Dawan)- Shirkadda daabacada ee Sagal Jet ayaa dhar ciideed iyo qadar lacageed oo dhan laba kun oo dollar (2000$) ugu deeqday xarunta agoomaha ee magaalada Hargeysa, deeqdaasi oo ay ugu talo gashay in ay kaga farxiso oo ay ku ciidaan carruurta agoomaha ah ee lagu xannaaneyo xaruntaasi.

Masuuliyiinta Shirkadan Sagal Jet iyada oo dareenkooda la wadaagaysa ubadka agoomaha u badan ee xaruntaasi ku jira, ayay isu xilqaantay in ay ka farxiso ubadkaasi waxaanay kafaalo qaadatay dharkii ay ku ciidi lahaayeen, waxaanay ugu baaqday cid kasta oo danaynaysa inay wax la baxdo inay ubadkaasi la qaybsadaan farxada maalmaha ciida bisha barakeysan ee Rabadan.

Agaasime ku xigeenka xarunta agoomaha Hargeysa Saxardiid Maxamed Jaamac ayaa masuuliyiinta shirkada Sagal Jet uga mahad celiyay deeqdani ay soo gaadhsiiyeen ubadkan, waxaanu ku bogaadiyay sida xilkasnimada ah ee ay isugu xilqaameen in ay ka farxiyaan ubadkaasi yar yar.

Saxardiid Maxamed Jaamac waxaa uu xusay in aanay aheyn deeqdani ugu horraysay ee nooceeda ah ee ay ugu deeqdo shirkadda Sagal Jet, laakiin sidan oo kale ay shirkadda Sagal Jeg mar walba uga war heyso xarunta agoomaha ee magaalada Hargeysa.

Munaasibadii deeqdani lagu wareejinayay oo ka qabsoontay xarunta agoonta ee magaalada Hargeysa ayaa aheyd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, iyada intii ay masuuliyiintani meesha ku sugnaayeena ay mid mid u soo dul istaageen hoyga ubadkani ay ku nool yihiin ee lagu xanaaneeyo.

Hooyo Ubax Cumar Warsame oo iyaduna madashaasi hadal kooban ka jeedisay iyada oo shirkadda Sagal Jet uga mahad celisay deeqdan ay soo gaadhsiisay xarunta agoomaha Hargeysa, waxaanay tidhi “Waxaan u mahad naqayaa Shirkadda Sagal Jet oo deeq soo gaadhsiisay xarunta agoomaha isla markaana ka farxiyay ubadkii lagu xannaanaynayay. shirkada Sagal Jet maaha caawimadii ugu horeysay ee ay halkan keento, waana shirkad ku caana inay wax ku celiso dadweynaha, waxaanan shirkada Sagal Jet aanu uga mahad celinaynaa oo iyadu carruurtaasi ciidoodii badh ahaan keentay.

Waxa kale oo aan ku dhiirigalinayaa bulshada iyo ganacsatada iyo cidkasta oo wax heysata inay ka soo qayb qaataan oo ay ka soo farxiyaan maalmihii ciida maalmihii sadaqada, ee qof walba Illaahey miisaanka xasanaadka ugu libin laabayay, inay ka soo qayb qaataan oo ay ubadkan soo ciidsiiyaan, waxaana goobtani ku jira ubad da’doodu u dhaxeyso toban cisho jir ilaa 15-jir, kuwaasi oo hablo iyo inamaba isugu jira, waana wax aad loogu farxo in ubadkani ay daryeel fiican helaan.”

Agaasime ku xigeenka xaruntani agoomaha ee magaalada Hargeysa oo goobtaasi ka hadlay ayaa masuuliyiinta shirkada Sagal jet uga mahad celiyay deeqdani agabka ciida iyo lacagta isugu jirta ee shirkadani ay soo gaadhsiisay waxaanu yidhi “”Ugu horeyn waxaan halkan uga mahad celina shirkada daabacaada ee Sagal Jet deeqdan soo gaadhsiiyay ubadkan oo ay tiradoodu aad u badan tahay oo ay kor u dhaafeyso 429-carruura, goobtanina waxaa ku jirta ubad u badan kuwa dariiqyada la dhigo ee aan waalidka laheyn, kuwaasi oo badhkood ay mudo todoba cisho ah ay jiraan, waa la wada garan karaa ilmo todoba habeen jira oo aan hooyo iyo aabo toona laheyn baahidiisa.”

Sacad Cabdi Daahir, Madaxa xidhiidhka dadweynaha ee shirkada Sagal Jet oo isna madashasi ay deeqdani ku wareejinayeen ka hadlay ayaa cidkasta oo Ilaahey wax siiyay ugu baaqay inay ubadkani la qabsadaan farxada oo ay soo caawiyaan waxaanu yidhi “Waxaan jecelahay cidkasta oo bulshaweynta reer Somaliland ah oo goobtani wax ku tari karta aan ugu baaqaya waa xaruntani waa ay inoo wada baahan tahay, Ilaaheyna waa isku keen eegaya, halkan waxaa ku jira mustaqbalkii dalka waxaa ku jira tiro dhan 429 ubixii wadanka ah, ubadkaasi ceelna uma qodna cidna uma maqna cida ay sugeysaana waa bulshaweynta reer Somaliland, ee maanta Illaahey wax u dhiibay, shirkadda daabacada casriga ah ee Sagal Jet iyada oo ka duuleysa mid ka mida hadafyadeeda oo ah inay bulshada qaybaheeda jilicdasan iyo kuweeda iyo kuweeda baahanba barbar istaagto, waxaanu maanta ku dhiiranay inaanu mar kale xarunta agoomaha ee magaalada Hargeysa, intii karaankayaga ah aanu ciidsiino, hase ahaate baahida xaruntani taala waa ay ka badan tahay inta aanu imika heyno, dhammaan shirkadaha, ganacsatada iyo cidkasta oo Ilaahey wax siiyay, waxaan ugu baaqaynaa in xarunta la soo booqdo, xaruntan hoos loo eego, waayo Ilaahey wuu isku keen eegayaa, sida qofkastaaba uu u jecel yahay inay carruurtiisu u farxaan ayaynu dooneynaa in kuwa halkani ku jiraana ay u farxaan, wale inaanay farxad inoo noqoneyn inta ay halkaasi dayacan tahay, inay kuweenu ciidaan, cidkasta oo hawshan gacan weyn ka geysan kartana waxaan ugu baaqay inay soo booqato, shirkada Sagal Jet hadii aanu nahay waxaanu ku wareejinaynaa masuuliyinta xaruntani agab ciideed oo aanu ugu talo galay ubadka xaruntani ku jira iyo qadar lacaageed oo dhan laba kun oo dollar, ciiduna maaha wax leysu keeno kaliya laakiin baahiyo badan oo kale ayaa jira, noqonmeyso markii noogu horeysay noqona meyso markii noogu danbeysay mar walbana xaruntan hoo iyo hiilba waanu la garab taaganahay”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply