Xukuumadda oo ka Jawaabtay Baahida Dadkiii Ku Barakacay Tukaraq

0
266

Tukaraq (Dawan)- Xukuumadda Somaliland ayaa jawaabtay baahida dadkii ku barakacay degmada Tukaraq iyo deegaanada hoos yimaada waxaanay deeq raashin ah gaadhsiisay dadkii ku barakacay deegaannadaas. Waxaana deeqdan raashinka ah oo loogu talagalay kun qoys wajigii hore loogu qaybiyay 530 oo qoys.

Waxaana deeqdani gaadhsiiyay dadkaasi, Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda u diyaar garowga aafooyinka iyo kayda raashinka qaranka, Faysal Maxamed Aw Jaamsac (Xawte) iyo agaasimaha waaxda barakacayaasha iyo qaxoontiga ee Jamhuuriyadda Somaliland mudane Maxamuud Yuusuf Cali, oo ay ku weheliyaan masuuliyinta gobolka Sool.

Ugu horeyn agaasimaha waaxda barakayaasha iyo qaxoontiga mudane Maxamuud Yuusuf Cali oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyay inta ay dhan tahay deeqdan raashinka ah ee dadkani barakacayaasha ah ay ugu talo galeen waxaanu yidhi “Tirada u qorsheyneyd in meeshan wax lagu siiya waxaa ay aheyd tiro kun qoysa maantana halkan waxaa aynu ku siinay 560 qoys inta kalena waxa la siin doonaa deegaanada ku dhaw kanina waa wajigii koobaad, waxaa aanu wada soconay badhasaabkii gobolka Sool iyo gudoomiye xigeenkii keydka raashinka iyo ka hortaga aafooyinka, iyo hay’adda barakacayaasha iyo qaxoontiga qaranka iyada oo aanu ka turjumeyno oo aanu raashinkan ugu keenay dadkan nidaam dawladeed, oo dawladda Somaliland ee madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland hogaamiyaa ay dadkan ugu soo gurmatay raashinkana loogu talo galay dadkiina raashinka si fiican ayaanu ugu qaybinay”

Faysal Ilkacase gudoomiye ku xigeenka keydka qaranka raashinka iyo ka hortaga aafooyinka ayaa tilmaamay in xukuumadda Somaliland ay ka jawaabtay baahida dadka ku barakacay dagaalkii degmada Tuka-raq iyo deegaanada hoos yimaada waxaanu yidhi “Halkan waxaanu keenay raashin loo qaybinaya kun qoys raashinkaasi oo ka kooban todoba, daqiiq, bariis, baasto iyo waliba noocyo kale, raashinkan xukuumadda Somaliland ayaa keentay deegaankan waxaanay ugu talo gashay deegaanada tukaraq dadkii ku barakacay isku dhici dhexmaray Somaliland iyo Puntland, xukuumadda Somaliland iyada oo bishu rabadaan tahay, xukuumadda Somaliland iyada oo baahida dadkaasi ka jawaabaysa deegaanadani waxaa ay keentay dadkana waa dadkii bohol waraabe ku soo barakacay, iyo dagaaladii Tukaraqeed oo baahiyaha bisha rabadaan iyo duruufaha ku gadaaman ay ku daboolaan, taasina waa damqashada ay xukuumadda Somaliland u damqaneyso shacabkeeda.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply