Wasiirka Caafimaadka oo Socdaal Shaqo ku Tegay Degmada Bullaxaar

0
269

Hargaysa (Dawan):- Wasiirka Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf ayaa shalay kormeer shaqo ku tegay degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil, isla markaana gaadhsiiyay dawooyin loogu talo galay in lagaga hor tago cudurrada.

Wadiirka ayaa sheegay in aanay ka wasaarad ahaan waxba kala hadhi doonin degmada Bullaxaar isla markaana dawooyinka ay gaadhsiiyeen ay yihiin hor dhac loona baahan yahay in ay ilaashadaan oo dadka loogu adeego.

Wasiirka horumarinta Caafimaadka oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu ydihi “Iyadoo hore loo soo indho indheeyay dhibaatadii gaadhay degmada Bulla-xaar ee ay keentay duufaantu waxba kala hadhi mayno waxaanan isku dayaynaa wixii awoodayada ah inaanu qabano ,waxaana muhiim ah in aanu ka hor tagno wixii dambe ee dhici doona,waxaanan idinkula dardaarmayaa oo muhiim ah in aad ilaashataan hadday shaqaale tahay iyo hadday dadweynaha tahay dawooyinkaa aanu keennay oo aanu kaga hor tagayno cudurada,”.

Guddoomiyaha degmada Bullaxaar Ismaaciil Xasan Maxamed, ayaa warbixin ka siiyay wasiirka xaaladda caafimaad ee degmada iyo baahiyaha dhanka caafimaadka ee ay u baahan yihiin,kuwaasoo uu dhammaan wasiirkuna ballan qaaday in ay waxka qaban doonaan.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply