Goolaha Abwaanada Somaliland oo ka Hadlay Colaadda ka Taagan Xuduuda Bari ee Dalka

0
270

Hargeysa (Dawan)- Golaha ay ku midaysan yihiin Abwaanada Somaliland ayaa markii ugu horraysay ka hadlay xaaladda dagaal iyo colaadeed ee ka taagan xuduudka bari ee Somaliland la wadaagto dalka Somaaliya, gaar ahaan maamul goboleedka Puntland, kaasi oo dagaal ku dhexmaray ciidanka qaranka iyo ciidanka dawladda Soomaaliya.

Abwaan Maxamed Aadan Dacar, Abwaan Muuse Cali Faruur, Abwaan Axmed Aw Aadan, Abwaan Maxamuud Maxamed Yaasiin (Dheeg), Abwaan, saxafi Maxamed Cali Weji iyo Abwaanno kale oo tiro badan ayaa soo jeediyey in xalka xuduuda lagu raadiyo nabad iyo wada hadal labada dhinac ah, iyaga oo Siyaasiyinta ugu baaqay in shacabka Walaalaha ah aan la kala dilin.

Abwaan Maxamed Aadan Dacar ayaa dawladda Soomaaliya u soo jeediyey inay garwaaqsato halka uu yahay xuduudka Somaliland, isaga oo arrinta ka hadlaaya waxa uu yidhi “ Puntland way taqaan xuduudka Somaliland ee adeer yaanay kasoo gudbin , Somaliland waxaan leenahay waad taqaan xuduuda Puntland ee haw gudbin oo xuduuddada ha dhaafin , Siyaasinta waxaa leeyahay shalay qaarba joogay berina qaar imaan ee dadka hakala dilina ee nabada kusoo noqda oo walaaleeya oo qofka gardarran garta ha qaato oo ha istaaga ileen wuu isgaranayaayeen”

Abwaan Muuse Cali Faruur ayaa sheegay in arrinta ay ka gubanayaan islamarkaana ILLAHAY kala xisaabtaamayo cidda dhiiga Musliminta Soomaalida daadinaysa waxaanu xusay in arrinta u baahan tahay in la qaboojiyey maadama dadku wada dhasheen isaga oo arrinta ka hadlaaya waxa uu yidhi “dhibaatada halkaa taalla nin kasta oo caqli lehba way gubaysaa waa sokeeyihii la yidhi “ Hilib Idaad iyo Hadal sokeeyaba waa la qaboojiyaa” markaa waa in aynu walaalnimo wax walba ku dhammaynaaa , war radamaanta maxaa loo daadinayaa dhiiga dadka islaamka ah ee walaalaha ah ninka dagaalka wadaa maanu ogayn in Maxkamad ILLAHAY lasoo taagayo “

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply