Wasiirka Caddaaladda oo Sharraxay Kala Madax-Bannaanida Awoodaha Fulinta iyo Garsoorka

0
260

Borama (Dawan):- Wasiirka wasaaradda Caddaaladda Somaliland Cabdiqali Maxamuud Caateeye (Fariid), ayaa si faah faahsan uga hadlay kala madax-bannaanida shaqo ee waaxyaha fulinta iyo garsoorka oo mid waliba shaqadeeda si madax-bannaan ay u gudato.

Waxaa kale oo uu ka hadlay adeegyada ay wasaaradda caddaaladdu u qabato bulshada reer Somaliland gaar ahaan xilliyada ay ku jiraan dacwadaha oo uu tilmaamay in dadka aan qabsan karin qareeno u dooda ee awoodi waaya qarash ay ku qabsadaan qareeno in wasaaradda caddaaladdu u qabato.

Waxaa kale oo uu ka hadlay hannaanka barashada xuquuqda qofku leeyahay iyo xaqa lagu leeyahay oo dadka la barayo taasoo suura gelinaysa in qofku kala gaadu wixii qalad ah ee uu dunuub ku gelayo iyo xuquuqda uu leeyahay isla markaana yaraynaysa in dambiyo dunuub ahi ay dhacaan.

Waxaa kale oo uu ka hadlay daryeelka maxaabiista ku jirta jeelasha oo Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi xil gaar ah isla saartay.

Wasiirku waxaa uu sidaa ku sheegay waraysi uu siiyay HCTV shalay isagoo socdaalshaqo ku jooga magaalada Boorama xarunta gobolka Awdal.

Ugu horrayn wasiir Caateeye o faah faahin ka bixinaya kala madaxbannaanida laamaha fulinta iyo garsoorka,ayaa yidhi. “caddaaladda waxaa qaybiyay dastuurka qaranka waxaana ka shaqeeya garsoorka,waxaaradda caddaalada oo ay qayb ka yihiin ciidanka Asluunta iyo wasaaradda arrimaha gudaha oo ay qayb ka yihiin ciidanka boolisku mid waliba waxay qabataa waaxda ay ku leedahay shaqada caddaaladda waanay kala madaxbannaan yihiin waaxda garsoorka iyo waaxda fulintu, garsoorka,maxkamadaha iyo xeer illaalintu way ka madax bannaan yihiin xukuumadda.waxaanu wadnaa qorshe lagu barayo qofkasta oo muwaadin ah wuxuu xaq ugu leeyahay qaranka iyo xaqa lagu leeyahay,taasina waxay yaraynaysaa in ay dhacdo dambi dunuub ah ooqofku markuu garto xaqa uu leeyahay iyoxuquuqda ku waajibtay wuxuu kala ogaanayaa oo uu garanayaa wixii dambi ah iyo waxaan dambi ahayn,taa waanu soo kordhinay oo waa wax cusub oo xukuumadda Madaxweyne Muuse intii ay talada haysay ay bilawday wasaaradda caddaaladdu. Waxaa kale oo aanu samaynaa wax loo yaqaano kaalmada sharciga oo loo sameeyo qofkii sabool ah taasooah qofku marka uu waayo qareen u dooda waxaanu u qabanaa qareen u dooda oo wasaaradda caddaaladdu u qabato oo ay qarashkiisa ka bixiso.”

Wasiirka oo wax laga waydiiyay jeelasha Somaliland iyo sida ay tahay xaaladda maxaabiista ku jirta,ayaa yidhi. “jeelasha dalka oo dhan waan booqday oo waan soo wada kormeeray mudada aan hadda xilka hayay jeelka Boorama laba goor ayaan socdaal ku imi,imika waxaa noo dhammaanaya jeel weyn oo burco ah iyo mid kale oo kasii weyn oo Boorama ah,markaa in ay maxaabiistu helaan xabsiyo waasac ah oo ay ku noolaan karaan waa qorshaha Xukuumadda Madaxweyne Muuse ka wasaarad ahaanna way naga go’an tahay.”

Wasiirka caddaaladda oo wax laga waydiiyay eedaymo ay u jeediyeen hay’addo u dooda xuquuqda aadamuhu,ayaa yidhi. “horta nimanka Somaliland wax ka sheegayaa waa reer Muqdisho,kuwan BBC-da ee xaakimka iska dhigayaana waa reer Xamar markaalabaduba waa reer Xamar Somaliland ka soo hor jeeda waxaana iyaga ayaa abuura,Somaliland waa dalkaa heerka daryeelka ugu sarreeya maxbuuska gaadhsiiyay ee maxaabiista lagu quudinayo jeelasha,laakiin nimankaa Soomaaliya oo cadaw iyo xasad ku ah Somaliland ayaa mar kasta ka sheega wax aan jirin oo been ah oo ay doonayaan in ay Somaliland ku ceebeeyaanlaakiin wax jira maaha. Xeer illaalinbaa jirta dalkan qofka marka la xidhayo eedbaa loosoo jeediyaa eeddaasi way jabtaa ama qofkaas,ayaa lagu helaa,laakiin hadaladaa reer xamarku waa dagaal Somaliland lagula jiro.”

Wasiirka oo wax laga weydiiyay ujeedada ka dambaysa Maxbuus la afur Madaxweynahaaga,ayaa ku jawaabay. “horta barnaamijkan Somaliland oo dhan ayuu cajiib ku noqday ooqf kastaaba su’aashaas ayuu naga waydiinayay,barnaamijkan fikirkiisana waxaa lahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo u taagan gudashada waajibaadka qaran ee ummaddiisa ka saaran waxaanu gartay in uu waxqabadkiisa uu bulshadiisa u qabanayo in aanay ka qadin inta xidhan ee xabsiyada ku jirta gaar ahaan xilliga Ramadaanta oo ay la afuraan si fiicanna wuu u socdaa.”

Leave a Reply