Orodyahan Reer Somaliland ah oo Kaalinta Koobaad Ka Galay Tartan Caalami ah

0
329

Munich (Dawan) Orodyahana Cabdiraxmaan Maxamed Faarax Xirsi oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa kaalinta koobaad ku guulaystay tartanka heerka dhexe ee caasimadaha dalka Jarmalka oo lagu qabtay caasimadda dalkaasi ee Munich.

Tartankan oo ay ka soo qayb galeen boqolaal orordyahan oo ka kala socda caasimadaha iyo degmooyinka dalka Jarmalka, iyaga oo ku ordaaya magaca caasimadaha ayaa Cabdiraxmaan Maxamed Faarax waxa uu ku guulaystay oo uu hantay kaalinta koobaad ee tartankaas.

Orodyahana Cabdiraxmaan Maxamed Faarax Xirsi oo ka hadlayay guusha uu ka gaadhay bilawga guushiisa oo ah markii koobaad ee uu ka qayb galao tartan heerka dhexe ah, waxa uu sheegay in uu ku faraxsan yahay guushan uu gaadhay, waxaanu tilmaamay in uu rajaynayo in uu ka sii kordhin doono hamiga iyo heerka uu maanta gaadha ilaa uu ka gaadhayo tartanada ku dayashada leh ee heer caalami.

Cabdiraxmaan Maxamed Faarax Xirsi, oo sharraxayay dareenkiisa farxadeed ayaa waxa uu yidhi “Aad baan ugu faraxsanahay in aan guul ka keeno tartankan, shakhsi ahaan waxaan dareemayaa in ay tani tahay bilawga guushayda, waxaan u mahad celinayaa tababarayaashayda iyo qabanqaabiyayaashii tartankan ee iga aqbalay in aan ka qayb galo, gaar ahaanna waxay ii ahayd tijaabo, insha allaah waxaan ku rajo waynahay in aan ka sii badiyo heerkan dhexe.”

Tartanka heerka dhexe ee caasimadaha dalka Jarmalka oo lagu qabtay caasimadda dalkaasi ee Munich, waxaa ka soo qayb galay dadweyne aad u tiro badan oo isugu jiray taageerayaal iyo daawadayaal.

 

Dawannews Hargeysa office

 

Leave a Reply