Natiijada Baadhitaan Lagu Sameeyey Shan Mashruuc oo ka Socda Somaliland

0
286

Hargeysa (Dawan)- Natiijo laga soo saaray baadhitaan lagu sameeyey shan mashruuc oo ka socday Somalilnad ayaa lagu soo bandhigay magaaladda Hargeysa, kuwaasi oo ah mashaariic horumarineed oo uu maalgeliyay baanka adduunku.

Shantan mashruuc ayaa kala ah mashruuca dib u habaynta maamulka maaliyadda Somaliland ee PFM, Mashruucii Hay’adda shaqaalaha dawladdu ku diwaangelisay shaqaale weynaha dawladda, mashruuc ka socda dawladda hoose Hargeysa iyo sidoo kale mashaariic kala duwan oo baanka adduunku ka fulinayo wasaaradaha qorshaynta qaranka iyo degaanka iyo horumarinta reer miyiga.

Baadhitaankan oo ay iska kaashadeen hanti-dhawrka guud ee qaranka iyo shirkad baadhitaannada caalamiga ah ka shaqeysa oo la yidhaahdo BTM, ayaa lagu sheegay in mashaariicdaasi si habsami ah u socdaan.

Hantidhawraha guud ee qaranka, Axmed Yuusuf Dirir iyo saraakiil ka socotay shirkadda BTM ayaa caddeeyey in hawsha mashaariicdaasi ay habsami u socdaan.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Maaliyadda Md. Maxamed Daahir Axmed, ayaa sheegay ahmiyadda ay dalka u leedahay hagaajinta nidaamka maamulka maaliyadda iyo daahfurnaantooda.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply