Hay’adda Dhawrista Tayada oo Sharraxday Baadhitaanno ay Samaysay

0
258

Hargaysa (Dawan):- Ha Hay’adda dhawrista tayada Somaliland, ayaa sheegtay in ay si wayn uga war hayso dhammaan waxkasta oo dalka soo gelaya oo dibedda laga soo waaridayo, isla markaana lagu isticmaalayo gudaha Somalilan.

Waxa kale oo ay sheegtay in dhawaan dalka uu soo gaadhayo shaybaadh caalami ah oo hay’addu leedahay oo lagu baadhi doono waxkasta oo Somaliland dibedda uga imanaya, hadduu cunto yahay iyo haddii uu qalabka elegtarooniga ah yahay ama waxyaabaha kiriimada ah ee dhaashiga loo isticmaalo.

Agaasimaha hay’adda dhawrista tayada Somaliland Maxamed Geedi Caynaanshe oo xalay waraysi gaar ah siiyay wargayska Dawan, waxa kale oo uu intaa ku daray in qudaarta ka timaadda dalka Itoobiya markii hore ee la joojiyay in qorshuhu ahaa in ay suuq helaan beeralayda reer Somaliland ee dalagyada kala duwan ee qudaarta ahi ay u so go’een islamarkaana lagu dhiiri gelinayay waxsoosaarka dalka,laakiin duufaantii dalka ku dhacday ay sababtay in beero badan ay waxyeellaysay oo meesha ay ka baxday wixii aynu beeranay baahidii qudaartuna ay taallo sidaa darteed ay fasaxeen hay’addaha ay qusaysaa in qudaar dibedda laga keeni karointa baahidu jirto.

Waxaa kale oo uu ka hadlay in muddooyinkii u dambeeyay ay dalka ka wadeen baadhitaano kala duwan oo ay ku samaynayeen shirkadaha dawooyinka keena iyo shirkadaha raashinka iyo noocyda kala duwan ee sharaabyada soo dejiya.Waxaanu intaa raaciyay in ay jiraan alaabooyin badan oo ay qabteen oo aan tayo ahaan fiicnayn lana isticmaali karin.

“Waxaanu ku qabanay magaalada Wajaale gaaadhi afar tan tan ah oo ka yimi Suudaan oo soo dhex maray Itoobiya waxaanay xaqiijiyeen shaqaalaha hay,adda tayada ee Wajaale in ay ahayd basal xumaatay oo tayadeedu aanay wanaagsanayn,baadhis dheeraad ah ayaanu ku samaynay gaadhiga siday basasha waxaana noo soo baxay in cilad ku timi gaadhiga ay sababtay in qayb ka mid ah basashu ay xumaatay,waxa aanu go’aan sannay in qaybta xun ee basasha aanu gubno qaybta hagaagsanna u fasaxno ganacsatada oo ay isticmaalaan.maadaama oo aanu soo bixin go’aan lagu joojinayo khudaarta innooga imanaysa wadamada aynu jaarka nahay,waxaa hore u jirtay in la joojiyay basasha innooga iman jirtay Itoobiya iyo dalalka kale ee dibedda taasoo looga danlahaa in la dhiirri geliyo waxsoosaarka beeralayda dalka si ay suuq ugu helaan oo waxa ay soosaaraan looga iibsado laakiin imika baahi kale ayaa timi oo beeralaydii waxsoosaaraysay waxaa ku dhufatay duufaantii Sagar oo beero badan baa’biisay taasina waxay meesha ka saartay oo la waayay qudaartii dalka ka soo go’day gaar ahaan gaar ahaan gobolada galbeedka qudaarna waynu u baahanahay markaa waa la fasaxay in qudaar dalalka deriska laga keeni karo inta aan dalagyo inoo soo go’in baahiduna ay jirto.”ayuu yidhi Agaasimaha Tayada oo ka hadlayay basal xumaatay oo ay ku qabteen magaalo xuduudeedka Wajaale.

Agaasimaha oo la waydiiyay inbaadhitaankuudo ku egyahay ganacsatada yaryar oo aanay gaadhin tijaarta waawayn,ayaa ku jawaabay. “ horta cidda ugu badan ee aanu baadhnaa waa tijaarta waawayn ee soo dejisa raashinka oo waa shaqadayadii mid wayn iyo mid yarna uma kala eegno meelaha ugu badan ee aanu baadhno waxaa ka mid ah hay’adda WFP oo ah cidda dalka keenta raashinka ugu badan ee uu waliba gaadho raashinkeedu tuulo iyo deegaan kasta oo lagu dhaqan yahay waana waajib na saaran in aanu dadka ka hubino cuntooyinka loo keenay badqabkooda sababtoo ah hay’addu intay lacag soo uruuriso ayay haddana ku soo iibsataa raashinno kala duwan oo ay meelo kala duwan ka soo iibsato markaa waxaanu hubinaa cuntada taariikhdeeda iyo bad-qabkeeda iyo in ay ku habboontahay in la cuni karo waxaanu dhibaato ku aragnona waanu xannibnaa ka dibna haddii ay caddaato in aan la cuni karin waanu gubnaa.”

Agaasimaha oo ka hadlayay baadhitaano kala duwan oo ay sameeyeen,ayaa yidhi. “waxaanu baadhitaano kala duwan ku samaynay shirkadaha dawooyinkasoo dejiya oo aanu baadhnay istoodhada ay dawooyinka ku soo rogaan gaar ahaan caasimadda Hargeysa,waxaanan hubinay dhammaan noocyada dawooyinka ay hayaan iyo bad-qabkooda waxaanu ka shakinonawaxaanu u dirnaa shaybaadh Nayroobi ah inta shaybaadhka jawaabi ka soo noqonaysana wuu xannibnaadaa waxaa kale oo aanu eegnaa waraaqaha lagu soo iibsaday shirkadda laga soo iibsaday iyo shaybaadhka soo baadhay tayada dawada marka sadexdaa waraaqood aanu helno ayaanu la xidhiidhnaa shirkadaha ku qoran oo aanu hubinaa in ay yihiin kuwo sharci ah oo waxay soo saarayaan sax yahay iyo in ay kambaniyotuugo ah yihiin,waxaa kale oo aanu dalka oo dhan ka samaynay baadhitaano kala duwan,shaqadayaduna maaha mid xilli gaar ah leh ee waa midjoogto ah waxaanan ka hawl galnaa dhammaan gobolada dalka oo dhan.”

Guddoomiyaha ooka hadlayay shaybaadh casri ah oo baadhitaanka tayada ah oo dhawaan dalka imanaya ,ayaa yidhi. “dhawaan waxaa dalka soo gaadhaya shaybaadh casri ah oo tayada laabooyinka oo dhan lagu hubin doono inta aanu imanna waxaanu kusii baadhnaa oo aanu u dirnaa shaybaadh Nayroobi ah ,waxaa kale oo jira shaqaale hay’adda ah oo aanu tababar ugu dirnay Nayroobi si ay ugu shaqayn karaan shaybaadhku marka uu yimaaddo ,waxaanu wax badan ka tarayaa in dalka wax kasta oo soo gelaya tayadiisa la hubin karo.”

Ugu dambayn waxaa uu agaasimuhu farriin u diray ganacsatada reer Somaliland ee dibedda waxka soo dejiya. “waxaan leeyahay ganacsatada wax soo dejisa dalku waa dalkiinii mana jiro qof u badheedha in uu wax xun carruurtiisa siiyo oo ay cunnaan markaa waxa aad keentaan ayay ubadkeennu cunaan ii iyaga iyo innaguba aynu ku noolnahay markaa markaad soo iibsanaysaan ee hore ka taxadera waxa aad soo iibsanaysaan tayadiisa iyo waxtarkiisaba nana soo gaadhsiiya waraaqaha shirkadaha aad ka soo iibsataan iyo kuwaalati kaantaroolka soo hubiyay.”ayuu yidhi Agaaimaha Hay’adda Dhawrista Tayada oo u warramay wargayska Dawan.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply