Dhalinyarada Gobolka Saraar oo Baaq-nabadeed u Diray Bulshada Ceel-Afweyn

0
260

Oog-(Dawan):- Dhalinyarada iyo Aqoonyahanka ku dhaqan Gobolka Saraar, gaar ahaan degmada Oog ee kazoo jeeda beelaha walaalaha ee ku dagaalamaya degmada Ceelafweyn ayaa shalay baaq nabadeed u diray dhalinyarada jooga degmada Ceel-afweyn, kuna dhiirigeliyey inay dhegaha u furan baaqyada loo soo jeedinayo ee nabadgelyada.

Dhalinyaradan oo shalay goob fagaare ka tirsan degmada Oog kala hadlayey dhaliyarada qoryaha sidata ee degmada Ceel-Afweyn ayaa u soo jeediyey inay qaataan nabada, uguan baaqeen labada ardaa ee walaalaha eek a soo kala jeeda Gobolka Ceel-Afweyn inay qoryaha dhigaan, una hogansamaan awaamiirta kala duwan ee ka soo baxaysa xukuumada Somaliland iyo waxgaradka kale ee Somaliland.

Qaar ka mid ah dhalinyarada degmada Oog oo kulankaa ka hadlay ayaa yidhi, “Dhalinyartii degmada Oog waxaan halkan baaq nabadeed uga diraynaa dadkayaga walaalaha ee reer Ceel-afweyn iyo nawaaxigeeda, dhibaatada soo noqnoqotay ee inta badan dhacday, waxaan baaq u diraynaa dadka walaalaha ah dhibaatada in la joojiyo.

“Annagoo ku hadlayna afka dhalinyara degmada Oog waxaan leenahay in dhiiga daadanaya la joojiyo, oo caqligu shaqeeyo ee aanu qorigu shaqeyn, Ilaahayna loo soo noqdo.

Baaqa dhalinyarada degmada Oog ayaa sidoo kale lagu sheegay, “Waa dad wda dhashay oon kala maarmin waxaanu leenahay caqligu ha shaqeeyo.

Baaqan ay dirayeen dhalinyarada degmada Oog eek a soo jeeda labada ardaa ee walaalaha ah eek u dagaalamaya degmada Ceel-afweyn ayaa noqonaya mid dhabaha u xaadha nabad waarta oo laga gaadho colaadaha soo noqnoqday ee degmada Ceel-afweyn.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply