Somalilan: Dawlad u Taagan Daryeelka Dadkeeda Duruuf oo Kasta La Wadaagta

0
275

Hargeysa (Dawan):- Muddooyinkii u dambeeyay waxaa dalka Somaliland ka dhacay dhibaatooyin kala duwan oo saameeyay nolosha dad iyo duunyo ee guud ahaan dalka oo dhan.

Dhibaatooyinkaas oo isugu jiray abaaro,xannuuno iyo duufaano kala dambeeyay oo ka dhacay gobolada Somaliland,xaaladahaa adag ee ku soo kordhay Somaliland waxay bulshada reer Somaliland tuseen oo ay bareen in ay Somaliland tahay mid keliya oo dhib iyo dheefba wadaagta isla markaana dawladdoodu gadhwadeen ugu tahay.

Markii ugu horraysay ee ay abaaruhu ku dhufteen Somaliland oo ay talada dalka haysay xukuumaddii hore ee KULMIYE ee uu Madaxweynaha ka ahaa Madaxweynihii hore ee Somaliland Mudane Axmed Siilaanyo waxay abaartaasi gaadhay heer dad ku dhintaan duunyo badanina ay ku baxdo taasina waxay keentay in xukuumaddii Siilaanyo in ay qaadday tallaabooyin dalka oo dhan gurmad laga samaynayo isla markaana dadka lagu badbaadinayo waxaanu gurmadkaasi gaadhay laga soo bilaabo Laasqoray oo cidhifka bari ee Somaliland ah iyo illaa Lawyacado oo dhanka galbeed ugu xigta.

Waxaa taa ku xigay shuban biyood dalka ka dhacay mudadii xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo kaasna gurmadkii ugu cuslaa ee caafimaad ayay xukuumadda Somaliland ka gashay deegaanadii ugu darnaa ee xukuumaddu gurmadka gaadhsiisayna waxaa ka mid ahaa deegaanada gobolka Buuhoodle.

Waxaa xusid mudan in Madaxweyne Siilaanyona uu socod dhulka ah ku maray gobolada bari ee dalka Madaxweyne ku-xigeenkuna ku soo maray gobolada galbeed ee dalka xilligiilagu guda jiray gurmadka iyo samato bixinta dadka iyo duunyada abaartu ku dhufatay.

Waxaanu Madaxweyne Siilaanyo xilligaa magacaabay guddida gurmadka abaaraha oo dalka tuulo tuulo u gaadhay.

Tallaabadaas oo waxbadan ka tartay gurmadkii samato bixinta dadka iyo duunyada ee ay dawladdu ka hawl gashay isla markaana xukuumad,asxaab iyo shacabba lagu garab taagnaa.

Xukuumadda talada dalka haysa ee uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi oo muddokooban oolix bilood ah talada dalka haysa,ayaa samaysay gurmadkii ugu deg degga iyo waxtarka badnaa ee Somaliland mudadii ay jirtay lagu hawl galo isla markaana lagaga jawaabo masiibo RABBAANI ah oo dalka ka dhacda.

 

Goor habbeenimo ah ayay masiibo qadar ALLE ahi ay ka dhacday caasimadda Somaliland ee Hargeysa waxaanu daad qaaday qoys danyar ah oo deggenaa dhaamka qudhac dheer, qoyskaas oo uu daadku ka qaaday hooyo iyo laba ubad ah oo ay dhashay waxaana masiibadaa ku geeriyooday labadii ubadka ahaa, waxaa masiibada geerida ah ee ALLE keenay ee qoyska ku timi markiiba si deg deg ah murugada tacsida ula qaybsaday oo daqiiqado kooban markii daadku qaaday ka dibba gaadhay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo halkii daadku ka qaaday qoyska ugu tegay isla markaana ugu soo tacsiyeeyay Aabbaha qoyska masiibadu ku dhacday.

 

Jawaabta deg degga ah ee Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi kuma koobnayn qoyska dhibaatadu ku dhacday oo keliya isla maallinnimadiina wuxuu booqday dhaamam kale oo ku yaalla caasimadda Hargeysa oo halis taa la mid ahi ay ka dhalan karto oo dad dul deggan yihiin waxaanu amar ku bixiyay in dadka laga raro oo dhul ay yeeshaan la dejiyo isla markaana dhaamamka biyaha laga sii daayo.

 

Muddo mar kale ayay masiibo ka dhacday deegaano ka mid ah gobolada Somaliland gaar ahaan gobolada xeebta dhanka galbeed ee dalka taas oo ahayd duufaantii Sagar eek u dhufatay gobolada Awdal iyo Selal oo ay dad ku dhinteen isla markaana wixii xoolo iyo beero ahaa ee deegaanada ay ku dhufatayna ay baa ba’eenoo ay isu rogeen dhul saxare ah oo gal-gelin ah xoolihiina waxna duufaantii ku dartay badda oon waxba laga arag intii ka hadhayna ay u lee’deen roobkii da’ay oo aad u qaboobaa awgii.

 

Isla markii masiibadaasi ay dhacday Madaxweynaha Somaliland waxaa uu markiiba qorsheeyay qaabkii gurmad deg deg ah loola gaadhi lahaa dadkaas,waxaanu caalamka u diray baaq gurmad oo deg deg ah in ay Somaliland la soo gaadhaan waxna kala qabtaan masiibada dhacday,dawladda Imaaraadka Carabta oo xidhiidh saaxiibtinimo oo weyni ka dhexeeyo Somaliland ayaa markiiba soo dirtay laba diyaaradood oo kuwa qumaatiga u kaca ah oo dadkaa loogu gurmado xukuumadda Madaxweyne Muuse oo labada diyaaradood ku gurmanaysa isla markaana dadkii masiibada duufaantii Sagar ay ku dhacday ugu gurmanaysa,ayaa waxaa indhahooda ku soo arkay oo goobaha wax masiibadu duufaantu ku dhacday tegay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo Madaxweyne ku-xigeenka oo gurmad cir iyo dhulba ah dadkaa ugu gurmaday.

 

Waxaanay ahayd talaabadii ugu horraysay ee la qaaday mid ay Xukuumaddu u bixisay dhiig joojin taasoo looga jeeday in dadka noloshooda la badbaadiyo oo lala gaadho cunto,dawo,hu ay xidhaan iyo biyo.

 

Waxaa kale oo la qorsheeyay in dadkaa beerihii ba’ay loo qodo,qoysaskii xooluhu ka bexeenna dib loo xooleeyo guryihiina loo dhiso. Xukuumadda Somaliland ee uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi ayay bulshadu dareentay in ay tahay dawladdii dadkeeda la noolayd ee dhibta la qaybsanaysay waxaanay dadku si dareen leh u soo dhaweeyeen markii Madaxweyne Muuse uu yidhi, qaranka ayaa qoyskaagii ah ee uu kafaalo qaaday wiil dhallinyaro ah oo ka hadhay qoyskoodii oo dhammaan duufaantii Sagar ku geeriyooday.

 

Waxaa kale oo habeen hore masiibo kale oo RABBAANI ahi ay ka dhacday degmada Salaxlay oo maqribkii uu ka da’ay roob duufaan ah oo geystay qasaare nafeed oo qof ku dhintay 11 qofna ay ku dhaawacmeen isla markaana guryo tiro badani ay ku dumeen,xukuumadda oo heegan ugu jirta samato bixinta dadka ayaa intaan waagub beryin gurmadkii ugu horreeyay gaadhsiisay isla markaana so daraasaysay qasaaraha ka dhacay degmada Salaxlay baaxadda uu leeyahay.

 

Tallaabooyinka Xukuumadda Somaliland ee uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxay bulshada bartay in dawladda ay dadku leeyihiin isla markaana ay u taagan tahay daryeelka dadka iyo badbaadintooda duruuf kasta oo ay ku nool yihiin waxaana la arkay in masuuliyiinta xukuumadda ugu sarraysa oo ah Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici in ay u taagan yihiin in ay xaalad kasta oo dalka la soo derista in ay iyagu indhohooda kusoo arkaan oo ay is dul-taagaan isla markaana waxa laga qabanayo iyo sida looga hawl gelayo iyagoo war qabeen ah oo aan looga soo warin in ay ka hawl galaan.

 

Taasina waxay abuurtay in durba ay bulshada qaybaheeda kala duwani in ay qiraan in xukuumadda Somaliland taladeeeda haysaa in ay tahay tii ay u baahnaayeen oo dalka gaadhsiin karta berri maanta ka fiican.

 

Waxaa kale oo bulshada Somaliland ay aad u soo dhawaysay tallaabooyin door ah oo xukuumaddu ka qaadatay adeegyada bulshada oo kor loogu qaadayo arrimaha daryeelka bulshada,waxaana ka mid ah cisbitaalka guud oo lacag la’aan laga dhigay qalliinka hooyada uurka leh ee ilmaha lagu qalo,beera layda dalka oo saacado badan oo lacagta dawladdu ka bixisay loo qoday,beero qodistaas oo laga hir geliyay goboalda Somaliland oo dhan iyo dar dar gelinta wax soo saarka dalka oo ay xukuumadda Madaxweyne Muuse ballan qaadday in qorshaha ugu weyn ee ay ka duulaysaa uu yahay in dalku la soo boxo cunto dalka ka soo go’da.

 

Waxaan shaki ku jirin qorshayaasha socda haddii xukuumadda garab lagu siiyo oo aan laga dhego adaygin in dalku gaadhi doono isku filnaansho dhanka cuntada ah haddii waxaynu cunayno aynu la soo baxnana waxaa marag ma doon ah in aynu wax badan oo kalena in aynu qabsan doonn.

 

Guntii iyo gunaanadkii xukuumadda Somaliland iyo dadkeedu naf qudha ayay wadaagaan oo waa ul iyo diir gobolada iyo degmooyinka iyo deegaanada Somalilad oo dhammina waa isku mid isku naf iyo isku qaran keliya oo aan la kala saari karin xisbi kasta mucaarid iyo muxaafidna waxay wadaagaan qaranka Somaliland oo talo keliya iyo hoggaan qaran oo qudha wadaaga lamina kala qayb qaybin karo maantana xukuumadda talada haysaa waatii horumarka iyo higsiga berri maanta ka fiican dariiqeediina waynu haynaa ee yaan la gaagixin lagana caajisin.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply