Guddoomiyaha Degmada Dacarta oo Sheegay in Roobab iyo Duufaanno Baabiiyeen Guryo iyo Dalagyadii Beeraha

0
286

Hargeysa (Dawan):- Guddoomiyaha degmada Dacarta ee gobolka Maroodijeex Cabdiraxmaan Yuusuf Maxamed (Bingo), ayaa ka hadlay baaxadda qasaaraha uu geystay roob dabaylo iyo duufaan watay oo dhawaan ka da’ay degmada Dacarta oo sababay qasaare hantiyeed oo isugu jira beero uu dalagyadii baabiiyay iyo guryo uu dumiyay.

Guddoomiyaha oo xalay soo booqday xarunta wargayska Dawan, isla markaana waraysi kooban siiyay ayaa sheegay in bishan 12-keedii. Roob dabaylo iyo duufaan watay oo ka da’ay degmada Dacarta in uu geystay qasaare hantiyeed oo baaxad leh isla markaana isugu jira guryo dumay iyo beero uu dalagyadii baabiiyay’waxaanu intaa raaciyay in ay Xukuumadda dhexe u gudbiyeen qasaaraha roobkaasi uu geystay.

Mudane Cabdiraxmaan Biingo oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi ”bishan 12-keedii waxaa ka da’ay dagmada Dacarta ee gobolka Maroodijeex roob duufaan iyo dabaylo watay oo gaystay qasaare hantiyeed oo baaxad weyn, waxaanu dumiyay guryo badan oo isugu jiray sandaqado, basas iyo dukaan wayn oo daar ah oo goob ganacsi ahaa oo uu dumiyay, wixii hoos yaallayna uu baabiiyay. Waxa kale oo uu baabiiyay dhammaan beerihii dalagyada ku yaalleen ee soo baxay isla markaana noqday Naaslayda ee baxay oo uu bar bannaan ka dhigay.”

Guddoomiyaha oo la waydiiyay in ay jiraan qasaare nafeed mid dad iyo mid xoolaad oo duufaantaasi ay geysatay, ayaa ku jawaabay “qasaare nafeed, midxoolaad iyo mid dad toona muu sababin, laakiin hoygii ay dadku ku noolaayeen iyo beerihii ay tabcadeen ayaa ku baa’ba’ay oo waxaa maanta aan hoy haysan qoysas badan oo markii hore haystay oo lahaa guryo ay deggan yihiin, isla markaana lahaa beero u soo go’aya oo naaslay noqday oo ay ku tabceen oo noqday meel bannaan ah.”

Guddoomiyaha oo la waydiiyay in ay jiraan gurmad ay xukuumaddu gaadhsiisay dadkaas, ayaa yidhi ”Xukuumadda waanu gaadhsiinay waanay u maqan tahay dadka, waanan ka war sugaynaa, dadkiina guryo la’aan iyo tacab la’aan ayay ku sugan yihiin, in deg deg loogu gurmadana way u baahan yihiin.” ayuu yidhi Guddoomiyaha degmada Dacarta ee gobolka Maroodijeex Cabdiraxmaan Yuusuf Maxamed Bingo.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply