Guumays oo Markii ugu Horraysay Laga Hirgeliyay Xarun Caafimaad

0
294

Guumays (Dawan):- Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa tuuladda Guumays ee degmadda Yagoori oo ka tirsan gobolka Sool ka hirgelisay xarun caafimaad oo lagu daryeelayo hooyadda iyo dhalaanka.

Waxaana isla shalay xaruntaasi xadhiga laga jaray ay wasaaradda caafimaadku ku wareejisay daawooyin, qalab caafimaad iyo shaqaale xaruntaasi ka hawl geli doona, si loogu adeego bulshadda degaankaasi.

Xaruntan MCH-ka cusub ee laga furay Guumays ayaa waxa dhismihiisa isku kaashaday bulsahdda ku nool tuuladaasi, iyadoo wasaaradda caafimaadkuna ay ku taageertay daawooyinka, shaqaalaha iyo qalabka.

Guddoomiyaha degmadda Yagoori Iidle Xuseen Maxamed, oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa ka waramay faa’iidadda ay xaruntaasi u leedahay dadweynaha degaankaasi, waxaanu yidhi “MCH-kan Guumays, waxaa dhisay dadweynaha degaankan Guumays oo isku tashaday. cid kasta oo gacan ka gaysatay waanu u mahad celinaynaa”.

Sidoo kale isuduwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Sool Dr. Bile, ayaa isna tilmaamay in xaruntan caafimaad ee laga hirgeliyay Guumays ay dadweynaha degaankaasi baahi weyn u qabeen, waxaanu yidhi “Waa wax lagu farxo haddii aad tihiin bulshadda Guumays ku nool in maanta (shalay) wasaaradda caafimaadku MCH-kii idiin furtay. Iyadoo wixii aqab ahaa ee shaqadda lagu qaban lahaana uu halkan yaallo. Waxaanan aad iyo aad ugu mahad celinaynaa wasaaradda caafimaadka, oo uu hogaaminayo wasiirku”a yuu yidhi Dr. Bile.

Dhinaca kale dadweynaha ku nool tuuladda Guumays ayaa si weyn u soo dhaweeyay xaruntan caafimaad ee ay heleen, taasoo ay u arkaan in ay wax badan ka dabooli doonto baahidii dhinaca caafimaadka ee ay qabeen.

 

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply