Wasaarada Waxbarashada oo Furtay Kulan Lagu Gorfaynayo Tayeynta Jaamacadaha Dalka

0
351

Hargeysa (Dawan)- Wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska ee Jamhuuriyadda Somaliland oo kaashanaysa jaamacaadda Kenyatta University ayaa shalay magaalada Hargeyska ka furtay kulan hawleed lagu gorfaynayo tayeynta Jaamacadaha Dalka, kaas oo ah kulan aqooneed la isku waydaarsanayo xogo kala duwan.

Kulan aqooneedkan ayaa waxa qabashadiisa iska kaashanaya Wasaarada waxbarashada iyo sayniska ee Jamuuriyada Somaliland iyo Jaamacada Kenyatta University ee dalka Kenya, kaasi oo ay maal-galinayso Midawga Yurub, waxaana muddada uu socdo lagu falanqayn doonaa sidii loo tayeyn lahaa waxbarashada jaamacadaha dalka.

Kulankani oo ah midkii labaad ee Somaliland laga qabto ayaa u jeedada u weyn ay tahay sidii kor loogu qaadi lahaa tayada jaamacadaha dalka loona fahmi lahaa meelaha muhiimka ah ee u baahan in si weyn looga shaqeeyo si loo helo arday tayo leh,Jaamacado tayo leh kaasi oo keenaysa in qarankani ku talaabsado horumar buuxa oo ah mid lagaga duulayo dhanka aqoonta.

Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay Agaasimaha Guud ee tacliinta sare ee wasaarada waxbarashada iyo Sayniska Axmed Muuse Muruud waxaanu taabtay muhiimada uu leeyahay kulankani kaasi oo aad ugu mahad celiyey Midawga yurub,madaxda ka socota jaamacada Kenyatta,madaxda jaamacadaha Dalka kaasi oo uga mahad celiyey sida balaadhan ee ay qaybta uga yihiin sidii uu u dhaqaaqi lahaa mashruuca tayeynta Jaamacadaha, geesta kale waxa uu ku dheeraaday in ka wasaarad ahaan ay rabaan in ay si weyn uga shaqeeyaan sidii loo heli lahaa jaamacado soo saara arday tayo leh.

Geesta kale waxa halkaasi ka hadlay Masuul ka socda Jaamacada Kenyatta oo qayb ka ah mashruuca tayeynta jaamacadaha Dalka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa waxaanu xusay in kulankii kan ka horeeyey ay ka soo bexeen waxyaabo muhiim ah oo loogu duuli karo qorshaha tayeynta jaamacadaha wax kale oo uu aad ugu booriyey dhamaan ka soo qayb galayaasha sida muhiimada leh ee ay uga qayb qaadanayaan.

Gebo-gebadii waxa shirkaasi furay Wasiir ku xigeenka Wasaarada waxbarashada iyo sayniska Cabdiqaadir Maxamuud Sheekh kaasi oo sheegay in ay muhiim tahay tayeynta jaamacadaha dalka qarankuna uu u baahan yahay sidii meel looga soo wada jeedsan lahaa in la helo jaamacado wanaagsan oo dalkan ka taaba gala waxaanay taasi kow ka tahay qorsahaha wasaarada sidii kor loogu qaadi lahaa tayada jaamacadaha dalka waxaanu xusay in ay muhiim tahay in ay dhamaan jaamacadaha ka soo qayb galay kulan kani ay si weyn uga wada faaiidaystaan waxaanu aad u bogaadiyey dhamaan cid kasta oo si weyn uga shaqaysay kulankani aqoon is-weydaarsiga ah.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply