Xildhibaan Nacnac oo Dayactiray Lix Waddo una oo u Tafoxaytay Danta Guud

0
291

Hargaysa (Dawan):- Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo ka mid ah mudaneyaasha golaha wakiiladda Somaliland ee laga soo doortay goboolka Maroodijeex, ayaa dayactiray lix waddo oo caasimadda Hargeysa ah isla markaana sheegay in ay jiraan waddooyin kale oo u qorshaysan in uu dayactiro.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Naxnac, waxa kale oo uu farriin u diray xildhibaanada golaha wakiiladda oo uu ku boorriyay inay dalka iyo dadka u shaqeeyaan, kana qayb qaataan dhismaha iyo horumarka dalka, oo ay ku celiyaan abaalkii ay ugu codeeyeen ee ay ku soo doorteen.

Xildhibaan Nacnac oo waraysi kooban siiyay wargayska Dawan, ayaa sheegay in uu dayactiray 6 waddo oo ka mid ah caasimadda Hargeysa oo ka tirsan dhawr degmo oo magaalada ah islamarkaana ay u qorshaysan yihiin in uu dayactiro dhawr waddo oo kale.

Waxaanu sheegay in waddooyinka uu dayactiray ay ku bexeen Daamur ka badan 30 foosto oo midkiiba ay tahay 110 Dollar, iyadoo uu sheegay in qayb ka mid ah daamurka ay ka caawisay dawladda hoose ee Hargeysa isla markaana ay shaqaalaha dawladda hoosena ay la shaqaynayeen.

Xildhibaan Nacnac oo arrimahaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi. “waxaan dayactiray lix waddo oo magaalada Hargeysa ah oo aad muhiim u ah isla markaana isu socodka gaadiidka iyo dadkaba dhibaato ku ah, waxaana ii qorshaysan in aan dayactiro waddooyin kale oo magaalada ah, waxaana igu dhaliyay in aan ka shaqeeyo waddooyinka in dalka wax loo qabto weeye oo dadkii na soo doortay looga abaal gudo codkii ay nagu soo doorteen, xildhibaanada kalena waxaan ugu baaqayaa in ay dadkii wakhtiga u huray ee codka siiyay in ay wax ku celiyaan oo ay ummadda u shaqeeyaan.”

Xildhibaanka oo ka hadlayay cidda ka gacan siisay iyo kuwa ay yihiin waddooyinka uu dhisay ayaa,yidhi. “waxaan soo dayactiray waddooyinka Nimco Sagal, wadada xaafada Octoobar, waddada 31-ka May, Waddada madaarka ka timaadda illaa star, wadada ku wareegta makaalada ee star ka gudubta ee Maxamed Mooge illaa Siinay.” Iyo kuwo kale. Waddooyinka, imika intaan soo dayactiray daamurka ku baxay oo keliya ayaa ah dhawr iyo soddon foosto waxaana iga caawiyay oo dhowr iyo toban ka mid ah ugu caawisay dawladda hoose waxaa kale oo ay isiisay dawladda hoose shaqaaleheeda oo ila shaqeeyay laakiin inta kale aniga ayaa ugu talo galay in aan dalkayga ku dhiso sababtoo ah haddii aynaan dalka dhisan oo aynu sidaa ku eegano waxba noqon mayno markaa dal kasta dadkiisa ayaa dhista waxna ka dhiga anna dalka quruxdiisa iyo horumarkiisa ayaan wax ku noqonayaa markaa cid aan dawladda hoose ahayn oo wax igala qabatay ma jirto, dawladda hoose iyo maayerkana waan uga mahad naqayaa kaalinta ay iaga qayb qaateen.”

Xildhbaanka oo la waydiiyay gaadhi wayn iyo haamo daamurka uu ku siday oo uu waddooyinka ku dayactirayay in lagu taakuleeyay iyo in kale waxaa uu yidhi. “gaadhiga iyo qalabka uu jiidayoba waan soo kiraystay durba markaan waddooyinkaa soo dayactiray baabuurtii iyagoo aan wax godad ah aan ku dhacayn ayay si wacan u soconayeen anna ducada ayaa igu filan oo wax ka wayni ma jiraan markaad wax dadkaaga dhibaato ku ah aad wax ka qabato ee ay dadku kuu duceeyaan, intan uu kuma eka waddooyinka ii qorshaysan in aan sameeyo ee waxaa jira waddooyin kale oo aan dayactirkooda bilaabayo.”

Dhinaca kale dayactirka waddooyinka ee uu jidadka badan ku soo dayactiray xidhibaan Nacnac waxaa aad u soo dhaweeyay dadweynaha degmooyinka Maxamuud Haybe,Axmed Dhagax,31-ka May oo sheegay in xildhibaan Nacnac uu yahay xildhibaan tii loo doortayna qabtay isla markaana ah xildhibaanka keliya eek u suntan waxqabadka gobolka maroodijeex ee ka soo dhex baxay xildhibaanadii gobolka eel ala doortay.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply