Xukuumadda oo Hakisay Isticmaalka Baraha Bulshada Muddo Cayiman

0
300

Hargaysa (Dawan):- Xukuumadda Somaliland ayaa hakisay isticmaalka baraha bulshada guud ahaan dalka oo dhan saacadaha uu socdo Imtixaanka shahaadiga ah ee fasalada 8-aad ee dugsga dhexe iyo4-aad ee dugsiga sare.

Wasiirada wasaaradaha Waxbarashada iyo Sayniska iyo Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Prof: Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo Dr Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi Suufi Muxumed,ayaa sheegay in xukuumaddu xil iska saartay in Imtixaanka shahaadiga ah ee dalkaka socdaa in uu noqdo mid xafidan oo aan sinaba waxqaladaad ahi u geli karin isla markaana tallaabo kasta oo xafidaadda iyo dhawrsanaanta Imtixaanka shahaadiga ahi u baahnaa la qaaday.

Waxaa kale oo ay sheegeen wasiiradu in markii u horraysay xukuumaddu ku guulaysatay in saacadaha Imtixaanku socdo maalin kasta in hawada laga saaray isla markaana hakad la geliyay isticmaalka baraha bulshada si aanay u dhici karin in baraha bulsahda wax la isugu gudbiyo.

a wasaarada waxbarashada iyo sayniska Yaasiin Maxamuud Xiir Farotoon iyo Wasiirka wasaarada Isgaadhsiinta iyo Tijnoolajiyada Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi Suufi Jibriil oo shalay si wadajira warbaahinta ula hadlay ayaa waxa sheegeen in shirkadaha isgaadhsiinta ee dalka ka hawl gala ay isla qaateen in ay xudhaan baraha bulshada saacadaha lagu jiro imtixaanaadka.

Wasiirka wasaarada Isgaadhsiinta iyo Tijnoolajiyada Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi oo ka hadlayay sida ay u hakiyeen isticmaalka baraha Bulshada saacadaha Imtixaanku socdo isla markaana shirkadaha isgaadhsiinta uga mahad naqay fulinta amarka dawladda,ayaa yidhi “Waxa laysla gaadhay mudada imtixaanku socdo in hawada ay ka maqnadaan baraha bulshada taas oo looga jeedo in caddaalad ay helaan ardayda imtixaanka ku jirtaa,qaybihii kale ee internetku way shaqaynayaan saacadaha imtixaanku socdo ayay xidhnaanayaan baraha bulshadu laakiin saacadaha kale way shaqaynayaa waxaanan uga mahadnaqayaa saddexda shirkadood ee gudbiya internetka ee kala ah Telesom Somtel iyo Somcaple sidii ay noogala shaqeeyeen arintan waxa kale oo aanu ugu baaqaynaa shirkadda Golis oo ruqsad ka haysata wasaarada isgaadhsiinta in ay xidhaan baraha bulshada ,”.

Wasiirka waxbarashada iyo Sayniska Prof:Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon oo ka hadlayay ujeedada laga leeyahay hakinta baraha bulshada saacadaha imtixaanku socdo ayaa yidhi.“Waxa bilaabmay imtixaankii shahaadiga waxaana soo kordhay arrin wayn oo wax kataraysa xalaalnimada imtixaanka waxaana si wanaagsan noogala shaqeeyay arintan wasiirka isgaadhsiinta iyo Shirkadaha isgaadhsiinta ee dalka,waxaanay nala garteen shirkadaha isgaadhsiintu in la xidho baraha bulshada inta imtixaanka lagu jiro si meesha looga saaro in baraha bulsahda wax la isugu gudbiyo.oo samayn kara imtixaanaadka waxaana aynu doonaynaa bulshada oo dhami in ay arintan dhiiri galiyaan,”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply