Golaha Guurtida oo Dib u Dhigay Ansixinta Xeer Muran Badan Ka Dhex Abuuray

0
298

Hargeysa (Dawan) Fadhigii shalay ee golaha guurtida Somaliland oo shirguddoominaayay guddoomiyaha golaha Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan oo ay ka soo xaadireen 50-mudane, ayaa dood adag ka yeeshay ajandaha kalfadhigoodii 66-naad.

Waxaanay mudayaasha golahaasi shirgudoonka ka codsadeen in ajandaha kalfadhiga 66-naad lagu soo daro xeer hoosaadka golahah si wax ka badel iyo kaabis loogu sameeyo.

Guddoomiye ku xigeenka golaha mudane Siciid Jaamac Cali (Siciid Timo) ayaa tafsiir sharci ka bixiyay hanaanka ay ugu soo dareen ajandaha xeer hoosaadka inaanu aheyn mid sharciga waafaqsan waxaanu yidhi “Gudida joogtadu waxaa ay ajandaha ku dareen in xeer hoosaadka golaha markaa miyaa la tirtirayaa miyaa la habka iyo hanaanka loo soo jeedinayaa waxaa ay ku xusan tahay qodobka lixaad ee xeer hoosaadka, xeer hoosaadku waa dastuur, sida dastuurka ayaa loola macaamilaa, ee waxaa la soo jeediyaa qodobada wax ka badelka lagu sameynayo waa in eeriyada aad dooneysaan in wax laga badelo aad soo sababeysaan, sharciyad ayaynu nahay ee inaynu sharciyadeena ku dhaqano ayaa wanaagsan”

Dhanka kale gudoomiyaha golaha mudane Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Nuur) ayaa mudanayaasha ku wargaliyay in maalinta sabtida cod loo qaado in xeerkani ajandaha lagu daro iyo in kale waxaanu yidhi “Ma maantaad golaha muran iyo dagaalkeeneysaan waxaa ay waajibku tahay in madaxweynaha loo gudbiyo oo la yidhaaho hanala kala diro, madaxweynuhu sharci ayuu soo saaray ah in bishi April ee sannadka danbe la galo doorasho taasi ayaanaynu ku jirnaa, golaha guurtiduna waa ka mid xeerkaasi uunbaynu ku dhaqmaynaaye, shirgudoonkana idinka ayaa doorte keeno soo badale wixii goluhu doonayana toos ha loo abaaro, sharciyadbaad ku doorateen haddana sharciyada ha loo maro maanta maaha ee cod ayaynu galineynaa maalinta sabtida codkaasina waxaa uu idiin noqdo ayuu noqonayaa”

Xildhibaan Garas oo ka mida mudanayaasha golaha guurtida Somaliland oo isna hadalka qaatay ayaa yidhi “Dano badan ayaa jira duufaano, abaaro, colaado sicirbarar iyo arrimo kale, waxaa loo baahan yahay in aynu danaheena ka hadalo, oo wixi hagaagsan ku fulino golaheena, nabadgeliyada dalka inaga ayaa ku shaqaleh ee waddanka aynu wada ilaashano xilkeeni waynu gabnay haddii aynu golaha nahay meel ay wax ka jiraana war looma hayo,

“Maadama ay gudidii joogtada aheyd waajibaadna ay u leeyihiin inay idiin soo gudbiyaan ay xeer hoosaadkii in wax laga badelo ay ku soo dareen waxaan soo jeedinlahaa in lagu soo daro ajandaha oo halka farqada saddexaad ee siyaasadu ku taalo laga horeysiiyo”Ayuu yidhi xldhibaan Dayib Xasan kana mida odayaasha golaha guurtida Somaliland

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply