Shirkado Caalami ah oo Arrimo Maal-gashi u Yimi Magaalo Xeebeedda Berbera

0
288

Berbera (Dawan)- Dekadda Magaalada Berbera ayaa markii ugu horaysa laga samaynayaa goob lagu dayactiro marakiibta xumaatay taas oo aan ka jirin mandaqada bariga Afrika, waxaana arrintaas magaalada u yimid Shirkado caalamiya oo laga leeyahay waddamada Belgium iyo Netherlands .

Mareeyaha dekadda Berbera Siciid Xasan Cabdilaahi ayaa sheegay in saddex shirkadood oo laga leeyahay Belgium iyo Netherlands ay kala shaqaynaya sidii loo samayn lahaa goob lagu dayactiro marakiibta xumaatay “Waxa noo yimid wafti aad u baaladhan oo ka socda dalalka Belgium iyo Netherlands shirkado laga leeyahay oo kala ah Dema, Sitow iyo Seto, berbera waxa ay noqotay meel cid walba kusoo hirato oo waddamadii yurub maanta marayaan, waxa aanu jecelnahay in aanu samayno goob lagaga shaqeeyo maraakibta madaama aanay mandaqadu lahayn halka u dhow ee goob maraakiibta lagu dayactiro leh waa dalka Cuman “ ayuu yidhi Mareeyaha oo warbaahinta kula hadlay gudaha dekedda Berbera.

Siciid Xasan Cabdilaahi waxa uu tilmaamay in arrintani ay tahay fulinta amar kasoo baxay Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi isaga oo arrinta ka hadlaaya waxa uu yidhi “annaga oo fulinayna wajibaadkii Madaxweynaha ee ahaa in dalka mashaaric cusub la geliyo si shaqo abuur loo sameeyo , waxa sharaf oo ah in ay nala joogan saddexda shirkadood oo nagala shaqaynaaya sidii aanu u dhisi lahayn dekad qalalan oo lagu dayactiro maraakiibta , waxa ay soo direen khubarradoodi waaweynd iyo madaxdoodii oo indha indhaysa halka ugu habboon ee laga samayn lahaa ”

Dhinaca kale Mareeyaha dekadda Berbera Siciid Xasan Cabdilaahi waxa uu fariin digniin ah u diray mulkilayaasha iska leh marakiibta xumaatay ee dhextaala badda Somaliland “ laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay saddexda bisha waxa aanu faraynaa dadka leh marakiibta xumatay ee yaalla badda Somaliland in ay muddo bil gudaheeda kaga qaatay , haddii ay ka qaadan waayan waxa wax ka qabanaysa dawladda oo jiidaysa oo iskaarabgaraynaysa , sida uu sharcigu dhigayaa waa in la naadiya ciddii lahayd marakiibta xumatay , muddo soddon cisho dabadood haddi ciddi lahayd soo doonan waydo waxna ka qaban waydo talaabo sharciya laga qaadi doono” ayuu yidhi

Dekedda magaalada berbera ayaa noqotay mid soo jiidata indhaha beesha caalamka iyo shirkadaha maalgashi waxaana muuqada tartan loogu jira maadama ay tahay marin muhiim ah bariga afrika

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply