“Somaliland Madax-bannaanideeda Way Ku Adkaysanaysaa ilaa la Aqoonsanayo” Wargeyska The Observer

0
319

Hargeysa (Dawan)- Wargeyska The Observer ee ka soo baxa waddanka Uganda, ayaa daabacay warbixin ku wajahan qaddiyada madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland iyo marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay muddadii 27-ka sannadood ahayd ee ay jirtay.

Wakaallada wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay qormada oo uu baahiyey The Observer, wargeyskaasi oo sheegay in Jamhuuriyadda Somliland ay ku naaloonaysay nabadgelyo iyo dawladnimo taabo-gashay, 27kii sannadood ee la soo dhaafay ee ay madax-bannaanideeda kala soo noqotay Soomaaliya 18-kii May 1991kii.

Wargeysku wuxuu intaas ku daray in Somaliland laga xuso laba munaasibadood oo qaran oo kala ah 26-kii June 1960-kii oo ahayd markii Somaliland xornimadeeda ka qaadatay Ingiriiska iyo waqooyiga Ireland iyo munaasibadda 18-ka May oo ah xilligii Somaliland madax-bannaanideeda kala soo noqotay Soomaaliya sannadkii 1991kii.

Danjiraha Somaliland u fadhiya Uganda, Xamse Xaaji Dool, ayaa u sheegay wargeyska The Observer, in dad badan oo reer Somaliland ah oo iskugu jira arday jaamacadaha wax ka barta iyo ganacsato ay degan yihiin waddanka Uganda. Sidoo kale safiirku wuxuu xaqiijiyey inuu korayo xidhiidhka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Somaliland iyo Uganda.

Danjiraha Somaliland ee Uganda, wuxuu sharraxay caddaalad daradii, faqooqii siyaasadeed iyo xasuuqii dawladda Soomaaliya ka geysatay Somaliland, waxaanu caddeeyey in jamhuuriyadda Somaliland aanay waligeed dib ugu noqon doonin midowgii lagu hungoobay ee ay la galeen Soomaaliya.

Safiir Xamse Xaaji Dool wuxuu wargeyska The Observer u sheegay in Somaliland ay guulo waaweyn ka gaadhay dhinacyada ammaanka, xuquuqda aadanaha, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo taabogelinta ganacsiga gaarka loo leeyahay, waxaanu ku dooday inay Somaliland qaranimadeeda ilaashanayso illaa inta ay ka helayso aqoonsi caalami ah oo beesha caalamku siiso.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply