Maamulka Degmada Dacarta iyo Guddida Talo-Same oo Ka Hadlay Roobab Khasaare Badan Sababay

0
346

Dacarta (Dawanl)- Maamulka Degmada Dacarta, Cuqaal iyo waxgaradka deegaanka, ayaa Xukuumadda iyo Hay’addaha ugu baaqay in gurmad loo fidiyo Bulshada ku dhaqan Degmadaas oo ay waxyeello laxaadle u geysteen roobab duufaano wata oo ka da’ay Jimcihii todobaadkan iyo dabayaaqadii bishii Ramadaan, waxaanay sidoo kale Dawladda ka dalbadeen inay fuliso mashaariic hore Xukuumaddu ugu balanqaaday oo ah dhanka horumarinta adeegyada aasaasiga ah, kana mid yihiin adeegyadii Biyaha, Waxbarashada, Saldhig Boolis iyo Xafiiskii Maamulka Degmada, iyagoo geesta kalena baaq nabadeed u diray beelaha reer Sanaag ee ay colaadu ku dhex martay Degmada Ceel-afweyn.

Roobabkan oo wakhtiga ay da’een todobaad kala dambeeyey, ayaa gabi ahaanba dhulka la simay in ku dhow lixdan Guri oo isugu jira dhismeyaal Ganacsi iyo guryo Hoy ahaa oo u badan aqal Soomaali, ayaan waxyeello nafeed geysan, balse hanti faro badan bur-buriyey, waxaanu meherado halkaa ku yaallay ka dhex qaaday Daadku wixii agab iyo aduun yaallay, sida ay sheegeen Masuuliyiinta Degmada iyo qaar kamida Ganacsatada khasaaruhu ka soo gaadhay waxyeellada roobkaasi.

“marka laysku daro labada roob waxay dumiyeen ilaa boqol guri oo u badan Aqal soomaali, waxa kale oo ay dumiyeen oo wixii hanti taalayna ka dhex qaaday Daadku dukaamo dad dan yar ahi haysteen. Waxa kamida Aqalo dhagax oo Bakhaaro ahaayeen iyo Jiingado. Ilaahay-baa mahadle dad waxba kuma noqon”sidaas waxa yidhi Cabdiraxmaan Yuusuf Xaaji Maxamuud Warfaa, Guddoomiyaha Degmadaas oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Dacarta.

Waxaanu intaa ku daray inay qaar kamida Hay’adda Dawladda jawaab deg deg ah ka bixiyeen qaylo-dhaantii uu gaadhsiiyey markii roobka hore waxyeellada geystay. “qaylo-dhaantii maalintii hore waxa ka jawaabay oo gurmad na soo gaadhsiiyey Xafiiska ka hortaga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka oo noo soo diray Hay’adda World Vision oo keentay 20 Qoys Hu’goodii iyo Baco, iminka waxay noo balanqaadeen inay taakulo kale keenayaan. Xafiiska Badhasaabka Gobolkuna waxbuu hadda noo balan, laakiinse waxaanu dawladda iyo Hay’addaha-ba ka codsanaynaa in taakulo intaa ka balaadhan dadkan lala soo gaadho”.

Caaqil Maxamed Aw Cismaan, Oday Eng. Xuseen Ibraahim, Axmed Iid Cabdi, Ganacsade Khadat iyo xubno kale oo kamida waxgaradka Deegaankan, oo iyagu hadlay, ayaa dhankooda sheegay in nusqaanta nimcada alle ka dhalatay saameynteedu khasaare gaadhsiisay Bulshada, una baahan yihiin taakulo deg dega iyo taabo-gelinta kaabeyaasha aasaasiga ah ee Degmada ka maqan.

“Madaxweynaha iyo Xukuumadda waan ku hambalyeynayaa sida wanaagsan ee ay wax u wadaan. Waxaan leeyahay Madaxweyne Degmada Dacartu waa degmo Curad, waa degmo cusub, dhibaatadan iminka ka dhacday ka sekow wax badan ayaa ka maqan oo aanu u baahanahay inaloo dhiso, markaa waxaanu kaa codsanaynaa inaad wax kaga qabataan wixii degmooyin badan wax lagaga qaban lahaa”sidaana waxa yidhi Caaqil Maxamed Aw Cismaan oo kamida Cuqaasha Degmada.

Guddoomiy ku-xigeenka Guddida horumarinta Beelaha Toljecle ee TALOSAME, Axmed Aw Xuseen Furre, ayaa isaguna baaq u diray Qurba-joogta, Ganacsatada iyo Aqoonyahanka u dhashay Degmada, waxaanu u jeediyey “Meeshan dhibaato weyn ayaa ka dhacday, laakiinse waa mahad ilaahay haddii aan dad iyo Xoolo nooli ku bixin, waxaan ugu baaqayaa Ganacsatada, Qurbo-joogga iyo dad kale ee wax haysta ee halkan u dhashay inay isa soo dhex taagaan oo ay Magaaladooda iyo Degmadan maal-gashadaan”.

Wuxuu intaa ku daray “Madaxweynaha anigoo ku hambalyeynaya horumarka uu dalku ku socdo waxaan u soo jeedinayaa inay Xukuumadiisu fuliso balanqaadyadii Xukuumaddii hore samaysay ee ay kamid ahaayeen Saldhigii Booliska, Waxbarashada oo la kordhiyo, Xafiiskii Degmadu ku shaqayn lahayd, waxaanan aad ugu mahad celinayaa Maayirka Caasimada oo isagu bixiyey gaadhigii iyo Hantidii uu balanqaaday, waxa kale oo fulay xanaanadii oo shaqaysa, markaa Madaxweynaha iyo Xukuumadda waxaan ku adkaynayaa dhibaatadana dadka looga gurmado, mashaariicdaa kalena naloo fuliyo”.

Geesta kale, waxa ay Cuqaashan iyo Waxgaradkani, beyaan nabadeed u direen Beelaha dirirtu ku dhex martay Degmada Ceel-afweyn ee Gobolka Sanaag oo ay ugu baaqeen inay colaada joojiyaan, wixii dhib ah ee dhex yaallana wada-hadal iyo wanaag lagu dhameeyo.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply