Dawladda oo Ruqsadii Kala Noqotay Lix Urur oo aan Dawli Ahayn

0
284

Hargeysa (Dawan)- Xukuumadda Somaliland ayaa ruqsaddii kala noqotay Lix urur oo ka mid ah ururrada aan dawliga ahayn ee ka hawl-gala gudaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidaana waxaa lagu sheegay qoraal kas oo baxay wasaaradda qorshaynta qaranka Somaliland, qoraalkaas oo lagu sheegay in ururradan ay baalmareen nidaamka sharci ee u yaalla ururrada Samofalka, islamarkaana aanay ka sii shaqayn Karin gobolada iyo degmooyinka dalka.

Wasaaradda qorshaynta qaranka ayaa sheegtay in ururadani ay baalmareen nidaamka sharci ee u yaala ururada sama-falka aan dawliga ahayn waxaanay baadhitaan ka dib go’aansatay in laga bilaabo taariikhda maanta (shalay) oo Arbaca ah kuna taariikhaysan 4-ta bisha 7-aad ee sannadkan 2018 ay kala noqoto ruqsaday ku hawlgelayeen ururada kala ah Somaliland lifeline Organization ,Juba foundation , Active in Development Aid , Soomaali Relief and Development Action , Agency for Peace and Development iyo Himilo Organization and Development .

Wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta qaranka Somaliland ayaa fartay in ay sidaa ula socdaan cid walbi oo ay khusayso shaqo joojinta lagu sameeyey lixda urur ee aan dawliga ahayn.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply