Wasiir ku Xigeenka Arrimaha Dibedda oo ka Qayb Galay Shirar Caalamiya

0
286

Belgium (Dawan):- Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Libaan Yusuf Cismaan, ayaa shir caalamiya kaga qayb galay magaalada Brussels ee dalka Belgium.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay hay’adda CRANS MONTAN FORUM oo ku saabsan arrimaha iskaashiga caalamiga ah gaar ahaan iskaashiga dhinaca amniga dalalka qaarada Africa, amniga badaha iyo dekedaha iyo sidii la iskaga kaashan lahaa xoojinta laamaha socdaalka ee dalalka qaarada Africa.

Shirkan oo ay ka soo qayb galeen wasiiro, Raysal-wasaarayaal iyo madaxweynayaal hore, waxaana ka mid ahaa madaxda ka qayb gashay Wasiirka Madaxtooyada Sudan, wasiirka Madax- tooyada Gaboon, wasiirka Difaaca ee dalka Macedonia, Safiirada dalalka Ruushka, Maraykanka, Belgium, raysal-wasaareyaal hore iyo madaxwynayaal hore oo uu ka mid yahay madaxweynihii hore ee dalka Mali.

Wasiir ku xigeenka oo shirkaa qudbad ka jeediyay, ayaa ka hadlay sida ay Somaliland uga qayb qaadato ammaanka dhanka xuduudaha iyo badaba ee qaaradda Afrika iyo gacanka Cadmeed,waxaa kale oo uu madaxdii shirka ka qayb gashay uga xog warramay Somaliland iyo halka ay marayso iyo in ay tahay dal dimuquraadi ah oo nabdoon isla markaana xuduudihiisa dhul iyo badba ammaankiisa adkeeyay oo hantay.

Wasiir ku-xigeenka ayaa yidhi. “Somaliland waxa ay muddo 27 sano ah ku naaloonaysay amni, kala dambayn iyo horumar ay kula noolayd waddamada jaarkeeda ah iyada oo waliba ay ku gaadaanaayeen duruufo amni darro ah oo ka jiray gobolka geeska Africa”

Wasiir ku xigeenku waxa uu si qoto dheer uga hadlay geedi socodka horumarka Somaliland iyo hannaanka dimiquraadiyada Somaliland, waxaanu xasuusiyey beesha caalamaka iyo qaramada midoobey sida ay Somaliland xaq ugu leedahay in arrimeheeda la eego maadama ay Somaliland buuxisay shuruudaha dawladnimo oo dhan iyo waliba dhinaca qaanuunka caalamiga ahba

Wasiir kuxigeenka ayaa kulamogaar agar ah la yeeshay madaxda dawladaha ka socday ee shirka ka soo qayb galay,waxaanay masuuliyiinta uu la kulmay ay ka wada hadleen sidii Somaliland ay xidhiidh u wada yeelan lahaayeen isla markaana iskaga kaashan lahaayeen dhinacyada isu socodka iyo iskaashiga iyoganacsiga.

Waxaana ka mid ahaa madaxda uu kulanka la qaatay,Wasiirka Arrimah Dibedda Abkhazia iyo mayorka Khusumi ee caasimadda Abkhazia waxaanay si qoto dheer uga wada hadleen sidii loo unki lahaa xidhiidh ay wada yeeshaan dawladaha Somaliland iyo Abkhazia iyadoo dawladda Abkhazia halkaa ay marti qaad iyo casuumad rasmi ah ugu fidisay in wefti ka socda Somaliland,wefiga Somaliland ee lagu casuumay Abkhazia,ayaa la filaya ain uu dalkaa safar ku tago Abkhazia bisha August ee soo socota . waxaa uu kulan kale la yeeshay wasir ku xigeenku safiirka dalka Taiwan u fadhiya Belgium isagoo wasiirku xog waran balladhan ka siiyey horumarka Somaliland,waxaanau isla qaateen in ay labada dal iska kaashadaan dhinacyada beeraha iyo tamarta qoraxda,waxbarashada iyo usu socodkalabada dal.

Ugu dambayn waxaa uu kulan muhiimah la qaatay Wasiir ku xigeenku xubno ka tirsan baarlamaanka midawga Yurub isaga oo wasiirku uga warramay xaalada dalka ee hadda waxaanay xubnahaasi ballan qaadeen inay sii wadi doonan taageeraadooda Somaliland ee dhinaca aqoonsiga iyo inay gaadhsiiyaan fariinta Somaliland barlamaanka Yurub.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply