Waddo 54 Shil ka Dhaceen Laba Bilood Gudahood oo La Dayactirayo

0
314

Kalabeydh (Dawan) Wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta jidadka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa bilowday dayactirka jidka isku xidha Hargeysa iyo Kalabeydh, jidkaasi oo la sheegay in muddo laba bilood gudahood ah ay ka dhaceen shan iyo afartan shil gaadiid ah.

Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka mudane Cabdillaahi Abokor Cismaan, waxan kale oo uu shaaciyay in bisha siddeedaad ee inagu soo foolka leh (08 April 2018) ay bilaabayaan dhismihii jidka isku xidha magaalooyinka Berbera iyo Wajaale.

Wasiirka ayaa sheegay in dhibaato badani ay ka dhacday jidka Hargeysa iyo Kalabeydh, waxaanu xusay inay 54 shil ay ka dhaceen labadii bilood ee ugu danbeeyay.

Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka jidadka Cabdillaahi Abokor Cismaan ayaa shaaca ka qaaday in dhismaha jidka Berbera iyo Wajaale ay bilaabi doonaan bisha 8-daad ee inago soo foolka leh waxaanu yidhi “Waanu ku faraxsanahay inaynu bilowno mashruuca wada Hargeysa iyo Kalabeydh, waxaanu rajeynaynaa in si deg dega loo dhammeeyo jidkani Insha Allah laba mashruuc ayaa u soo socda wadadani oo aanu rajeynayno inaanu bilowno bishan sideedaad taasi oo ay inaga caawineyso hay’adda GIZ ee dawlada Jarmalku iyo mashruuci weyna ee Berbera Coridoor waxaana ka dhacay 54 shil jidka isku xidha Hargeysa iyo Berbera”

Maareeyaha wakaallada wadooyinka Somaliland mudane Cismaan Sheekh Cabdi oo isna goobtaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in wadadani halbowle u tahay isu socodka gaadiidka u kala goosha Hargeysa iyo Kalabeydh waxaanu yidhi “Wadada u dhaxeysa magaalada Hargeysa iyo degmada Kalabeydh waa wado halbowleh u ah isu socodka gaadiidka, maada magaalo ganacsiyeedka Somalilandna ay tahay Wajaale, wadadan oo burbur iyada oo dhibaato badanina ay ka dhacday jidkan, waxaanu halkan u joognaa bilowga dayactirka jidka isku xidha Hargeysa iyo Kalabeydh”

Wadadan ayaa dhibaato badan ku haysan gadiidka u kala safra magaalooyinka Hargeysa iyo kala-baydh waxaanay hagaajinteedu qayb ka qaadan doonta yaranta shilalka dhimashada keena ee ka dhaca wadadan.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply