Sool: Xukuumadda oo Raashin Caawimo ah Gaadhsiisay 800 oo Qoys

0
274

Laascaanood (Dawan)- Hay’adda ka hortaga aafooyinka dabiiciga ah iyo kaydka raashinka qaranka ayaa 800 oo qoys oo ku nool gobolka Sool gaar ahaana degmooyinka Yagoori, Adhi Cadeeye, iyo degaanka Tuke-raq gaadhsiisay raashin caawimo ah.

Raashinkaas ayaa loogu tallo galay dadka ay abaaruhu saameeyeen, siday sheegeen masuuliyiin ka socday hay’adda ka hortagga aafooyinka dabiiciga ah iyo kaydka raashinka qaranka Somaliland.

Badhasaabka gobolka Sool Cabdi Khayre Dirir, oo raashinkaasi kala wareegay masuuliyiinta hay’adda kaydka raashinka qaranka ayaa uga mahad celiyay xukuumadda dhexe iyo hay’adda kaydka raashinka caawimadda ay soo gaadhsiiyeen.

Raashinkaasi ayaa saddexdaas degaan siday u kala helayaan iyo tiradda qoysaska loogu tallo galay waxaa faahfaahin ka bixiyay badhasaabka Sool, waxaanu yidhi “Halkan waxaanu kula wareegaynaa raashin loogu tallo galay 800 oo qoys, oo ay nagu wareejiyeen masuuliyiinta hay’adda kaydka raashinka qaranka. Raashinkaasi waxaa loo qaybin doonaa saddex degaan oo ka tirsan gobolka Sool.

Yagoori waxaa loogu qaybin doonaa 250 qoys, Adhi Cadeeye waxaa loogu qaybin doonaa 250 qoys, iyo Tuke-raq oo la gayn doono 300 oo qoys. Raashinkaasi wuxuu ka kooban yahay 8 nooc ama qaybood”.

Geesta kale badhasaabka Sool ayaa u mahad celiyay guddoomiyeyaasha hay’adda kaydka raashinka iyo hay’adda ka qoxoontiga, oo uu sheegay in ay si weyn isaga xil saareen sidii dadka degaanka Sool raashin loo gaadhsiin lahaa.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply