Ciidanka Dab-demiska oo Xakameeyey Dab ka Kacay Suuq Ku Yaala Hargeysa

0
280

Hargeysa (Dawan)- Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa ayaa shalay abaaro 11:38 AM xakameyey dab ka kacay suuq ku yaala degmada Ibraahim koodbuur ee magaalada Hargeysa.

Suuqa Gancsi ee Mother Land Business Centre [ MBC] oo kasoo horjeeda Hotel Guleed Ee Magaalada Hargeysa Ayaa uu ka kacay dab uu sababay shoodh laydh kaasi oo aad u weynaa isla markaana samaynayay qaraxyo, waxaana goobta gaadhay ciidanka bad-demiska oo u adeegsaday daminta dabkaas Budada Cabudhsan ee Loo yaqaano [ Dry Powder ] iyadoo markiiba ciidanku shoodh kaas laydh xakameeyay kuna joojiyay meheradii koowaad ee uu ka bilaabmay.

Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa ayaa Dabkaas ka xakameeyay inuu ku fido suuqaasi oo kooban 12 Meheradood oo isku xig xiga khatarna ay ahayd in dhammaantood uu si fudud u gaadho dabkaasi, waxaana ciidanku dabkaa ku hakiyay ama ku joojiyay Meheradii koowaad ee shoodh kaasi ka bilaabmay.

Dadweynaha iyo mulkiilayashaa ganacsigaas weyn lahaa ayaa dhankooda u mahadnaqay ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa gurmadkaa ay sameeyeen iyo badbaadaa ay badbaadiyeen hantidooda iyo maalkooda, waxaanay ciidanka ku dhiirigeliyeen inay dadaalka aya dadkooda ugu shaqaynayaan halkaa ka sii wadaan.

Ugu dambayn ciidanka Dab-demisku wuxuu wacyigelin guud u dirayaa dhammaan dadweynaha ku dhaqan caasimada iyo guud ahaanba Somaliland taasoo ciidanku ka wacyigelinayo khatarta uu leeyahay laydhku, sidoo kale ciidanku wuxuu farayaa dhammaan shirkadaha laydhka inay hubin iyo jeegarayn ku sameeyaan laydhka ay galiyaan dhismayaasha si markasta looga taxadaro khatarta ka imanaysa laydhka taasoo galaafata naf iyo maalba.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply