Taliyaha Booliska oo Socdaal Shaqo Ku Tegay Laascaanood

0
272

Hargaysa (Dawan):-Taliyaha ciidanka booliska Somaliland Sarreeye gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa shalay socdaal shaqo ku tegay magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool.

Taliyaha ciidanka booliska ayaa socdaalkiisu la xidhiidhaa u kuur gelidda xaalada nabadgalyo ee gabalka Sool iyo sidii loo dardar galin lahaa hawlaha ciidanka boolisku u hayaan bulshada ee dhanka ammaanka .

Taliyaha oo ay socdaalkiisa ku weheliyaan saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidanka booliska, ayaa sheegay in safarkooda Laascaanood uu ka mid yahay shaqada ciidanka boolisku qaranka u hayo iyo u kuur gelidda gudashada waajibaadka ciidanka booliska ee gobolkaSool. Taliye Fadal oo arrimahaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi.“Sunaha dawladnimo waa waajib in aanu kormeer ku samayno sidii caadada noo ahayd ciidanka booliska Somaliland ee ku sugan gobalada dalka,si aan ugu kuur galno xaaladaha ay ku sugan yihiin ciidanka booliska iyo xaaladaha nabadgalyo gobalka Sool,”.

Guddoomiyaha gobolka Sool Cabdi Khayre Dirir oo taliyaha iyo saraakiisha socdaalkaku wehelinayay ku soo dhaweeyay gobolka Sool xaruntiisa Laascaanood,ayaa yidhi “Waxa booqasho noogu yimid taliyaha ciidanka iyo saraakiil kale oo la socda gobolku waa nabadgalyo waxaanan leeyahay ku soo dhawow gobalka sool aad iyo aad ayaana loogu baahnaa inaad timaado gobalka sool.”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply