Guddoomiyaha Gobolka Sool oo Waxba Kama Jiraan ka Dhigay Barac kac Been Abuur Ah oo Tukaraq Laga Faafiyay

0
308

Tukaraq (Dawan):- Guddoomiyaha gobolka Sool Cabdi Khayre Dirir, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadal Puntland ku yaboohsanaysay oo ay kaalmo beesha caalamka kaga doonaysay iyo barakac been abuur ah oo laga faafiyay degmada Tukaraq ee gobolka Sool.

Guddoomiye Dirir oo shalay dad danyar ah oo ku dhaqan degmada Tukaraq gaadhsiiyay raashin Xukuumadda Somaliland ugu talo gashay dadka jilicsan ee deegaankaas ku nool isla markaanaloogu qaybiyay sadex boqol oo qoys oo deegaankaas ka mid ah,ayaa warbaahinta u soo jeediyay in ay iska hubiyaan wararka ay tebinayaan isla markaana marka ay wax sheegayaan ay xaqiiqada warka raadiyaan waxaanu warbaahinta kala duwan u soo jeediyay in ay yimaadaan Tukaraq oo ay xaqiiqada deegaanka ka jirta xog’ogaal iyagoo u noqday ay wararkeeda tabiyaan.

Guddoomiyaha oo ay socdaalka uu ku tegay Tukaraq iyo raashin qaybinta ay ku weheliyeen masuuliyiin kale oo heer gobol ah oo ay ka mid tahay Gudoomiyaha ururka haweenka ee Now ee gobolka Sool Nadiijo Col-ujoog,waxaa kale oo ay ka warrameen siday nabad gelyo u tahay degmada Tukaraq.

Guddoomiyaha Sool oo arrimahaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi. “Halkan aanu ku suganahay waa deegaanka Tuka-raq, waxaanu qaybin doonnaa deeq raashina oo loogu talagalay 300 oo qoys ILLAAHAY,baa mahad iska leh marka xigana xukuumadda Somaliland raashinkan waxaa loogu talagaley in la siiyo inta baahan ee jilicsan ee degmadan Tuka-raq taalla, si wanaagsan ayaaney hawshaasi noogu socotaa, deegaanka Tuka-raq waa deegaan nabadgeliyo ah wax dhibaato ah oo ka jirtaana ma jiraan, waxaanu beesha caalamka iyo cidkastaba aanu u sheegaynaa in haba yaraate deegaanka Tuka-raq wax barakac ah oo ka jiraa in aanay hada jirin, way dhici kartaa wakhtigii dagaalku meesha ka dhacay inay dadku dareen yara qaateen, mana jiraan wax bulsho ah oo maanta la odhan karo magaalada wey ka maqan yihiin, barakac ka jiraana ma jiro, waxaanu diyaar u nahay hadii aanu nahay maamulka gobolka Sool in warbaahintu ay sitoos ah u iman karaan goobtan annaga oo tusi doono magaalada Tuka-raq iyo deegaanada ku xeerani inay nabad yihiin”

Gudoomiyaha ururka haweenka ee Now ee gobolka Sool Nadiijo Col-ujoog,oo ka hadashay sida aanay waxba uga jirin in Tukaraq lagu baro kacay,ayaa tidhi. “Halkan waxaa raashin loogu qaybinayaa saddex boqol oo qoys waad aragtaan bulshada reer Tuka-raq hadda waxay ku sugan yihiin deegaankoodii, dadka leh Tukaraq ayaanu ka qaxnay oo aanu intaasi oo kilo mitir u jirnaa waa been ee ha hubsado waxaa uu dadka u sheegayo.”

Madaxda maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland,ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku cel celinaysay in degmada Tukaraq ay ku baro kaceen dad kor u dhaafay 1500 oo qoys taasoo ay caalamka kaalmo kaga doonaysay laakiin xaqiiqada ka fog oo ah war been abuur ah oo aanay waxba ka jirin.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply