Injineer ka Mid ah Shaqaalaha Ajinabiga ah ee Wargeysyada Dawan oo Islaamay

0
290

Hargeysa (Dawan)- Waxa maalinimadii shalay oo Jimce ahayd si toos ah u Islaamay oo tawxiidka loogu qabtay Masaajidka Cali Mataan ee magaalada Hargeysa Maxamed Khaalid oo hore loo odhan jiray Rave Sonsukar, kaas oo u dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Hindiya.

Maxamed Khaalid magaciise hore waxa uu ahaa Ravi Sonsukar, da’diisuna waa 32 sanno jir, waxa uu muddo ka badan lix sanno uu ka hawl galaayey Wasaaradda Warfaafinta. gaar ahaan waaxda Daabacada Wargeysayada Dawan, Waxaana uu ku takhasuusay Designer Computer operating waxaana uu bartey dhaqanka Soomaalida.

Juhdi badan oo ay geliyeen shaqaaalaha Wargeyska Dawan, sidii ay ugu soo bandhigi lahayeen diinta Islaamka waxa ay u soo qaadeen Kitaabka Quraanka kariimka oo u badalan afka Ingiriisiga, waxaana ku fahmay macnaha ku duugaan Kitaabka ALLE.

Maxamed Khaalid oo markii tawxiidka loo qabtay ka dib la hadlay Wargeyska Dawan ayaa sheegay in uu maalin go’aansaday in tawxiidka loo qabto “Intii lagu gudda jiray bishii Ramadaa waan iska fadhiyey, waxaanan dhegaysanaayey Quraan, waxaanan dareemaayey degenaansho iyo diirimaad. Maalin maalmaha ka mid ah waxaan go’aansaday in aan Tawaxiidka la ii qabto amma aan ashahaato” ayuu yidhi

Maxamed Khaalid ayaa sheegay in diinta islaamku ay tahay diinta xaq ah qofka Alle garansiiyaana uu guulaystay isaga oo arrinta ka hadlaaya waxa uu yidhi “ Islaamku waa diin wanaagsan kana wanaagsan diimaha kale , waxa aan arkay sida dadka islaamka ah ay isku caawiyaan midkooba uu kaalmeeyo ka kale ee walaalkii ah , ma garanaayo quraanka laakiin waxa aan doonaya in aan barto “

Sheekh Maxamed Aadan oo ka mid ah Culimada waaweyn ee dalka oo tawxiidka u qabtay Maxamed Khaalid ayaa uu dareenkiisu mar keliya isbedelay lagana dheehanaayey farxad iyo rayrayn .

Guddoomiyihii hore Maxamed Cismaan Mirre Sayid iyo Shaqaaleweynaha Wargeysyada Dawan ayuu illahay sabab uga dhigay in Maxamed Khaalid uu qaato diinteena suuban ee Islaamka

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply