Madaxweynaha oo Qasriga Madaxtooyada Ku Qaabilay Prof Ismaaciil Buubaa

0
403

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Prof: Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa oo ka mid ah siyaasiyiinta miisaanka weyn ee reer Somaliland, isla markaana ka mid ah madaxda xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI.

Kulanka uu Madaxweyne Muuse ku qaabilay Prof: Buubaa oo ah kii ugu horreeyay ee ay isugu yimaadaan intii uu doorashadii Madatooyada ku guulaystay, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayay labada masuul kaga wada hadleen sidii ay uga wada shaqayn lahaayeen horumarinta qaranka Somaliland iyo sidii mucaarid iyo muxaafid danta guud ee qaranka loogu midoobi lahaa, ee arrimaha masiirka qaranka meel looga soo wada jeedsan lahaa.

Kulankan oo ah mid taariikhiya, ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee labada masuul ay isku yimaadaan muddo badan oo aanay is arag ka dib.

Prof: Ismaaciil Buubaa iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ah laba masuuul oo wadaaga taariikh halgan oo dheer, isla markaana ka soo wada qayb qaatay halkankii dib u xoraynta Somaliland ee ururkii SNM oo ay ka wada tirsanaayeen.

Kulankooduna wuxuu markhaati cad ka yahay in Somaliland Mucaarid iyo Muxaafid ba la wada leeyahay qaranka oo la isku wada raacsan yahay horumarintiisa, difaaciisa iyo ka wada tashiga aayaha iyo masiirka dalka iyo dadka.

Waxa kale oo uu kulankoodu ka nixinayaa cadawga Somaliland oo aaminsan in aanay is arki karin siyaasiyiinta Somaliland ee mucaaridka iyo muxaafidka kala ahi.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply