Mudane Saylici oo Kormeeray Dhismaha Jidka Ceerigaabo oo Dhammaad ku Dhow

0
330

Ceerigaabo (Dawan)- Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wafdigii ballaadhnaa ee uu hoggaaminayay ayaa kormeer hawleed ku soo maray goobo ay si xawli ah uga socoto dhismaha waddada dheer ee Ceerigaabo oo gabo-gabo ku dhaw.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), iyo weftigiisa, ayaa halkaasi warbixinno kaga dhagaystay hawlwadeenada gacanta ku haya dhismaha jidkaasi dheer. Waxaanay Ingineerada waddada gacanta ku hayaa u sheegeen Madaxweyne ku xigeenka in dhismaha waddada ay shaqadu ka socoto goobo kala duwan, islamaraana ay ku rajo wayn-yihiin inay dhawaan isku xidhmi doonaan magaalooyinka Garadag iyo Ceerigaabo, taas oo noqon doonta waddo laami ah.

Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland, Boos Mire Maxamed oo ka mid ahaa weftiga uu hogaaminayo madaxweye ku xigeenku, ayaa isaguna halkaasi ka hadlay, waxaanu sheegay in dhamaystirka jidka Ceerigaabo yahay mid taariikhi ah. waxaanu si weyn uga hadlay dhibaatadii ay bulshadu kala kulmi jirtay jidkaas wakhtiyadii ay waddo xumadu ka jirtay.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliladn ayaa uga mahad celiyay hawl-wadeenada dhismaha jidkani dheer, waxaanu sheegay in dawladda Somaliland dedaalkeeda isugu gayn doonto, isku xidhka gobolada iyo degmooyinka Somaliland.

Dhanka kale Madaxweyne ku xigeenka iyo wafdigiisa ayaa kormeer lug ah ku soo maray gudaha magaalada Ceel Afweyn, iyo Ceel Biyoodka ay magaca kula baxday magaaladaasi, iyada oo ay dadka shacabka ahi si weyn u soo dhaweeyeen madaxweyne ku xigeenka iyo wefdigii la socday, waxaanu ku boorrinayay dadkaasi inay ka shaqeeyaan ilaalinta nabad-gelyada iyo wada jirka ummadda.

Ugu danbayn, waxa iyana xusid mudan in ay iska soo daba-dhacayaan ergooyinkii u baxay deminta dirirta labada beelood ee walaalaha ah ku dhexmartay ceel-afweyn, iyo deegaamada hoos yimaada, maalmahana uu si rasmi ah u furmi doono shirkii Nabadayntu, waxaanay Ergooyinkaasi ka kooban yihiin 66 Xubnood oo ay 13 ka mid ahi yihiin culimada dalka ugu waa weyn, halka 53ka kalena ay yihiin laf-dhabarta madax-dhaqameedka Jamhuuriyadda Somaliland.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply